Ethiopian Airlines: Qaabkay diyaaraduhu u bixiyaan magdhawga?

Itoobiya Lahaanshaha sawirka JONATHAN DRUION

Bil ayaa laga joogaa markii ay burburtay diyaaraddii Itoobiya, taas oo galaafatay dhammaan 157 ruux ee saarnaa.

Baarritaan horudhac ah oo la shaaciyay ayaa lagu sheegay in kicitaanka diyaaraddu uu u muuqday mid caadi ah balse lix daqiiqo ka dib ayay diyaaraddii burburtay.

Munaasabado xus ah ayaa loo samaynayaa dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda Itoobiya.

Hadaba marka uu shil diyaaradeed dhaco sidee dadka ku dhintay mag dhaw looga bixiyaa?

Waxaa heshiis caalami ah oo loo yaqaanno heshiiska Montreal Convention kaas oo ay dhaqan galisay hay'adda duulista rayidka ee Qaramada Midoobay midkaas oo cayimaya magdhawga la bixinayo.

"Diyaarad kaste oo duusha caymis ayay ku jirtaa, caymiskastana wuxuu leeyahay shuruudo iyo xadidaado wax lagu bixiyo, waana wax qoran oo la isku og yahay," ayuu yiri Cumar Sheekh Cabdi oo horay duuliye uga soo noqday shirkaddii diyaaradaha ee Soomaaliya, haddana ka tirsan hay'adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya.

"Heshiiskaas waxaa lagu qoraa magdhawga laga bixinayo diyaaradda laftirkeeda, shaqsigii ku dhinta iyo hantida saaran iyo wali haddii ay hanti ama dad aan la socon waxyeelo u gaysto" Ayuu intaas ku sii daray Cumar.

Sharciga Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Rayidka ayaa dhigayay in haddii shilka ay sababtay cilad diyaaradda ku jirtay mag ahaan qof kaste looga bixiyo 113,100, balse magtaas waxay hadda kor ugu kacday $170,000.

Haddii ay shilka ay sababaan khalad aadanaha ka dhacay sida duuliyeyaasha diyaaradda markaas waxay u badan tahay in shirkadda iyo qaraabadu ay ku heshiiyaan magdhawga sida ay sameeyeen hadda ka hor diyaarado gaar loo leeyahay iyo shirkaddo ay ka mid tahay midda dalka Kenya ee KQ.

Baaritaanka rasmiga ah ee waxa sababay burburka diyaaraddii Itoobiya ayaan wali soo bixin, waxaase la filayaa in wakhti dheer aysan qaadan doonin sida uu qabo kabtan Cumar Sheekh Cabdi.

"Marmar wakhtigu wuu iska dheeraan karaa, balse si dhibaatada dadka gaartay loo soo yareeyo muddo badan ma qaadanayso, waxayse ku xiran tahay habraaca lagu bixiyo caymiska oo wakhtiyo mucayan ah ayay qaadanaysaa." Ayuu intaas ku sii daray Cumar

Shirkaddii samaysay diyaaradda ee Boeing oo khaladkeeda qiratay ayaana laga yaabaa in ay hawshan dadajiso.

Waa maxay khaladka ay qiratay Boeing?

Dennis Muilenburg oo ah Madaxa shirkadda diyaaradaha samaysa ee Boeing ayaa qiray in qaab ka mid ah hannaanka ay diyaaraddu u shaqayso ay gacan ka gaysatay labadii diyaaradood ee burburay shantii bilood ee la soo dhaafay, diyaaradahaas ayuu noocoodu ahaa 737 Max.

Balse wuxuu sheegay in diyaaradda 737 Max ay ka mid noqon doonto diyaaradaha ugu ammaan badan marka ay dib u hawlgasho ee la cilad bixiyo habka ay ku shaqayso, dib u eegisna lagu sameeyo hagaha duuliyeyaasha.

Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya ayaa sheegtay in hanaanka diyaaradda ee 737 Max uu horseeday in ay af af u hoobato, shaqaalaha oo raacaya nidaamka xaaladda degdegga ah ee diyaaraddana ay xakamayn waayeen, waxay sidaas ka sheegtay shir jaraa'id oo ay qabatay ka dib markii ay soo baxday warbixintii hordhaca ahayd ee baaritaankii lagu hayay burburka diyaaradda.

Duulaamaadka ET302 ayaa burburtay waxyar ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay 157 ruux ee saarnaa.

Bishii Oktoobar ee sannadkii horana diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air oo duulimaad lambarkeedu ahaa JT 610 ayaa ku burburtay bad u dhaw Indonesia, waxaana ku dhintay dhammaan 189 ruux ee saarnaa.

Mowduucyada la xiriira