Muxuu sawirka gabadhan astaan ugu noqday kacdoonka Suudaan?

Haweenka reer Suudaan ayaa kamid ah dadka horkacaya dibadbaxyada loogu baaqaya madaxweyne Cumar Al Bashiir inuu xilka ka dego kaddib markii 30 sanno uu xilka hayay.

Waxaa baraha bulshada lasoo geliyay haweeney hees lagu tageerayo kacdoonka ka hor qaadeysay dad badan oo dhigayay dibadbaxyada.

Mararka qaar waxaa jira sawir qabanaya muhiimadda rasmiga ah ee mudaharaadka Suudaan.

Dumarka ayaa safka hore uga jira dibadbaxyada ka socda Suudan ka jira ee dowladda looga soo horjeedo.

Muuqaal baraha bulshada qabsaday ayaa waxa ka soo muuqday isla haweenayddan oo baabuur dusha ka saaran.

Dad careysan yaa haweenaydan kala qayb galay dibadbaxan, iyaga oo ku dhawaaqaya ereyga 'Thawra' oo micnaheedu yahay "kacdoon" dadka qaar ayaa haweenaydan ugu magac daray "Kandaka" oo looga gala jeedo inay tahay boqorad.

Bandhiga heesaha iyo ciyaaraha qoob kacayaarka ayaa qeyb weyn ka ahaa dibad baxayaasha isbaddal doonka ah.

Kumannaan ka tirsan dadweynaha ayaa madaxweyne Cumar al-Bashir ugu baqaay inuu iscasilo, madaxweyne Al- Bashir ayaa xukunka dalka hayay tan iyo snnadkii 1989-kii.

Muuqallo dhowr ah oo lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxyaasha Suudaan oo gabaad ka dhiganayo gawaarida militariga xilli la maqlayay dhawaaqa rasaasta.

  1. Sudan oo ra'iisul wasaare yeelatay
  2. Mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Sudan oo heshiis kala saxiixday
  3. Suudaan oo beenisay in ay xiisad kala dhaxayso Eritrea

Ciidammada ayaa rasaas ridayay, waxaa ay u muqdeen ciidammada kuwo taageero u fidinayo dadka dibadbaxa dhigayay.

Mudaharaadyadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwii ugu badnaa ee ka dhaco dalka Suudaan.

Waxaana la rumeysan yahay in dadka dibadbaxa wata ay u badan yihiin dumarka dalkaasi.

Madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa sheegay in qalalaasaha ka taagan Suudaan lagu xallin karo oo kaliya ah wadahadallo lala yeesho kooxaha kacdoonka wada.

Waxaa uu u digay kooxaha doonaya inay dalka afduub ku heystaan isla markaasna xiriirka la leh dad shisheeye oo doonaya inay dalka dhibaata ka abuuraan, sida uu barta Twitter-ka kusoo qoray weriye reer Suudaan ah.

Mowduucyada la xiriira