Oday ay booiska Deegaanka ku jirdileen magaalada Jigjiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Oday Soomaaliyeed oo ay booliska Deegaanka Soomaalida ku jirdileen magaalada Jigjiga

Oday Muxumed Axmed Nuur (Gadhjubi) oo ka mid ah odayasha caanka ah ee magaalada Jigjiga ayay Booliska deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya jirdil u geysteen xilli uu ku sugnaa goobtiisa shaqo.

Wuxuuna sheegay isaga oo goobtiisa shaqo ku sugan oo aan wax khalad ahna gelin iney askar u yimaaddeen kaddibna magaciisa weydiiyeen marka uu u sheegayna ay la baxeen oo bakoorado ku garaaceen isaga oo sheegay inaanu garaneyn sababta jirdilkaasi looga geystay.

Haddaba sida wax u dhaceen ka dhageyso wareysiga ay BBC la yeelatay Oday Muxumed Axmed Nuur (Gadhjubi).