Facebook, Instagram iyo Whatsup oo ay xaalad soo wajahday

Facebook, Instagram iyo Whatsup Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Barnaamijyada baraha bulshada loogu isticmaalka badan yahay

Barnaamijyada xiriirka baraha bulshada loo adeegsado ee Facebook, Instagram iyo Whatsup oo inta badan farriimaha codadka iyo qoraallada la isku dhaafsado ayaa maanat oo Axad ah aan sidi la rabay u shaqeeyneyn.

Agaasimaha bogga Facebook wuxuu sheegay iney kumannaan qof oo daafaha caalamka ku kala nool ay cabashadooda ku saabsan adeegga istaagay 11:30 wixi ka dambeeyey ay soo gaarsiiyeen.

Dadka isticmaalaa barta Facebook markasta oo ay isku dayaan iney furtaan waxaa u soo baxeysay farriin ah "waxbaa khaldane isku day markale" ayuu yiri.

"Wuxuuna Facebook uu isku dayay sidi adeeggaasi sidiisi hore uga soo celin lahaa ugana jawaabi lahaa cabashada macamiisha".

Wuxuuna intaa ku daray "iney ogyihiin iney dad badan dhibaato kala kulmeen istcimaalka Facebook iyo barnaamijyada la xidhiidha ee Instagram iyo Whatsup".

Waxayna shirkadda Fecebook raalligelin ka bixisay adeegga maanta saacado hakadka galay ee Faceboo, Instagram iyo Whatsup.

Hase yeeshee Facebook, faahfaahin kama bixin waxa sababay inuu adeegga istaago iyo sida ay macaamiisheeda u saameysay.

Bishii March wuxuu sida oo kale uu Facebook la kulmay xaaladdi ugu adkeyd ee abid soo wajahday, iyada o macamiil badan oo dunida ku nool ay u suurageli weyday iney bogga Facebook booqdaan, sida oo kale Instagram iyo Whatsup waxay iyaguna hawada ka maqnaayeen in kabadan 24 saac.

Mowduucyada la xiriira