Nepal: Diyaarado isku dhacay oo ay dad ku dhinteen

Diyaaradaha isku dhacay ee garoonka Lukla ee dalka Nepal Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Diyaaradaha isku dhacay ee garoonka Lukla ee dalka Nepal

Shil diyaaradeed oo ka dhacay gigada diyaaradaha ee dunida ugu khatarta badan ee Nepal ayaa la sheegay iney ugu yaraan ku dhinteen seddex qof,

Diyaaradda shilka sababta u ahayd ayaa waddadi ay ku duuleysay si kadis ah uga weecatay kaddibna ku dhacday diyaarad Helicopter ah oo garoonka fadhiday.

Garoonka diyaradaha ee Nepal oo ku yaalla dhul buuraley ah aadna ay u yar tahay waddada ay ku duulaan diyaaradaha ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay garoommada dunida ugu khatarta badan.

Duuliyaha diyaaradda iyo laba Askari oo boolis ah oo halka ay diyaaraduhu isugu dhaceen ku sugnaa ayaa shilkaasi ku geeriyooday, seddex qof oo kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Labada diyaaradood ee isku dhacday ayaa laga lahaa shirkad dhinaca dalxiiska ka shaqeeysa oo Nepal laga leeyahay.

Dad shilkaasi goob joog u ahaa oo BBC u warramay ayaa sheegay "inuu meel fog uu ka maqlay qarax kaddibna uu u soo cararay airboorka si uu u arko waxa meesha ka dhacay, indhahiisana uu ku arkay qiiq madoow oo dhulka dhan qabsaday."

Garoonka diyaaradda ee dunida ugu halista badan?

Sanadki 2018-kii shil diyaaradeed oo garoonkaasi ka dhacay waxaa ku dhintay 18 qof oo ay 12 ka mid ah u dhasheen dalka Jarmalka. Diyaaradda burburty oo isku dayeysay iney garoonkaasi ku soo dagto.

Waxaana garoonkaasi loo oggol yahay oo keli ah duuliyeyaasha khibradda leh oo ugu yaraan 100 jeer ka soo dagay kana duulay gigada diyaaradaha Lukla,

Nepal oo ay dalxiisayaasha u soo dalxiisa tago aad u sii badanayaan ayaa sababtay iney sii kordhaan tirada diyaaradaha garoonkaasi ku soo dago.

Sida oo kale bishii Febraayo diyaarad helicopter ah oo ku burburtay garoonkaasi waxaa ku dhintay 8 qof oo uu ka mid ahaa wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska iyo Duullimaadyada ee dalka Nepal.

Waddamada Midowga Yurub ka tirsan ayaa waxay garoomadooda ka mamnuuceen iney ku soo dagaan diyaarado laga leeyahay dalka Nepal.