Duqeyn lagu beegsaday saraaakiil sare oo ka tirsan ururka Daacish ayaa maanta ka dhacay Puntland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Duqeyn lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Daacish oo maanta ka dhacday Puntland

Duqeyn lagu beegsaday saraaakiil sare oo ka tirsan ururka Daacish oo maanta ka dhacay Puntland ayaa la sheegay in laba xubnood lagu dilay. Duqeyntaasi oo lala eegtay Cabdixakiin Qudhub oo daacish xil sare ka hayey, qof kale oo gaariga la duqeeyey la saarnaa.

Dadka deegankuna waxay tilmaameen iney maqlayeen daryan culus.

Haddaba wasiirka amniga ee maamul goboleedka Puntland Cabdisamad Maxammed Gallan ayaa BBC-da ugu warramay duqeyntaasi waxa uu kala socdo iyo sida ay wax udhaceen.

Halkan ka dhageyso codka wasiir Cabdisamad Maxammed Gallan.