Sudan: Xubno dowladdii hore ka tirsanaa oo xabsiga loo taxaabay

Janaraal Cabdulfataax Cabduraxmaan Burhaan Lahaanshaha sawirka AFP/HO/SUDAN TV
Image caption Janaraal Cabdulfataax Cabduraxmaan Burhaan

Golaha cusub ee militariga Sudan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xabsiga loo taxaabay xubno muhim ah oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen musuqmaasuq dhacay xilligii dowladii Cumar Al-Bashiir.

Xubnahani ayaa wajihi doona dacwado ay ku soo oogaan maxkamadaha dalkaasi.

Af-hayeen golaha militariga ee dalkaasi ka arimiya Shams Ad-din Shanto, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada.

Mr Shanto ayaa xusay in taliyayaal cusub loo magacaabay militariga,sirdoonka iyo Booliiska dalkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in dhowr ah hay'adaha dowladda dib u habayn lagu samayn doono.

Mar sii horeysay militariga ayaa waxay kulan la qaateen wakiilo ka kala socday xisbiyada siyaasadda iyo ururada si looga wadaxaajoodo xalka dhibaatada Sudan.

  1. Sudan oo ra'iisul wasaare yeelatay
  2. Saamaynta isbaddelka Sudan uu ku yeelan karo Soomaaliya
  3. Waa kuma madaxweynaha Sudan ee la afgambiyay?

Afhayeen u hadlay golaha militariga Yassir al-Ata, ayaa dhankiisa sheegay in kulamadani looga gol lahaa sidii la isugu afgaran lahaa ra'isul wasaare madaxbanaan loona dhisi lahaa hanaan lagu maamulo dalka xilliga kala guurka.

Qabanqaabiyayaasha dibadbaxyada dalkaasi ka socday muddada 4 bilood ah iyo ururada xirfadlayaasha ayaa waxa ay ugu baaqeen dibadbaxayaasha in ay sii wadaan mudaaharaadyadooda ilaa awooda looga wareejinayo dowlad rayid ah.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dibadbaxayaasha Suudaan ayaa mudaharaadayay muddo todobaadya ah

Dhanka kale golaha militariga ee kumeelgaarka ah ee dalka Sudan ayaa waxay xayiraadii ka qaadeen warbaahinta iyo saxafiyiinta ajnabiga ah taasi oo horey loogu soo rogay.

Bayaan ay soo saareen golaha ayaa waxaa lagu sheegay in warbaahinta iyo wariyayaasha caalamiga ah ay xor u yihiin inay ka howlgalaan gudaha Sudan.

Wasaarada warfaafinta ayaa sido kale bayaankeed lagu sheegay in la soo afjaray faaf-reebkii lagu samayn jiray warbaahinta maxaliga ah oo ay ka mid yihiin wargaysyada dalkaasi.

Dibadbaxyada ayaa soconaya walow xilkii laga tuuray madaxweynihii dalkaasi mudada dheer maamulayay Cumar Xasan al-Bashiir.

Mudaaharaadayaasha ayaa waxa ay dalbadeen in si dhaqsiyaha xukunka loogu wareejiyo dadka rayidka ah iyo inay sii joogi doonaan waddooyinka.

Mowduucyada la xiriira