Wiilka Soomaaliyeed ee billaabay adeegga la mahadiyay

Abdulkadir Abdirahman Adan standing against an ambulance Lahaanshaha sawirka Abdulkadir Abdirahman Adan

Magaalada Muqdisho waxaa si joogto ah uga dhaca qaraxyo iyo dagaallo dhibaatooyin baaxad leh gaysta, balse waxaa ka hawl gala hal shirkad oo bixisa adeegga aad loogu baahan yahay ee gawaarida gurmadka degdegga ah oo bilaash ah, adeegaasna waxaa 13 sano ka hor aasaasay Dr Cabdiqaadir Ibraahim Aadan.

Markii uu ku laabtay Muqdisho isaga oo Pakistan ku soo bartay dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah wuxuu la yaabay sida waddooyinka magaalada ee camiran ay ugu yaryihiin gawaarida gurmadka degdegga ah ama ambalaasyada, iyo in dad xanuunsan isbitaal lagu geeyo gaari gacan.

Ambalaasyada aan badnayn ee jiray ayaa looga yeeran jiray isbitaallo gaar loo leeyahay, dadka bukaanka ah ayaana lacagta iska bixin jiray.

Isaga oon wax badan joogin ayuuna Dr Cabdiqaadir go'aansaday in uu billaabo adeeg ambalaas.

"Waxaan gatay bas yar, dib u habayn ayaan ku sameeyay xitaa dadka naafada ah si ay u adeegsan karaan" ayuu yiri isaga oo BBC-da la hadlaya.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Aamin ayaa hadda leh 20 ambalaas

Wuxuu billaabay in uu baskii ku hawlgalo, isaga oo dadka dhaawaca ah iyo dumarka xaamilada ah isbitaalka ku gayn jiray.

Dalabaadkii ayaa batay wuxuuna ku baraarugay in loo baahan yahay in adeegga uu ballaariyo, wuxuuna billaabay in uu dukaamada iyo ganacsatada waydiiyo in ay maalgaliyaan adeegan.

"Waxaa ii suurogashay in uu koox ku qanciyo in ay gadaan bas kale" ayuu yiri.

Markaas Dr Cabdiqaadir wuxuu macallin ka ahaa jaamadom dhawr ah oo magaalada Muqdisho ku yaalla.

"Ardaydayda ayaan waydiiyay in ay jeclaan lahaayeen in ay naf badbaadiyaan, haddii ay sidaas tahayna ay ku deeqaan hal doolar bil walba si wiilal iyo gabdho walaaladood ah loo badbaadiyo," ayuu yiri.

Wax yar ka dibna wuxuu billaabay in uu dadka oo dhan waydiiyo in ay hal doolaar bixiyaan bishii si ay gacan uga gaystaan Aamin Ambalaas.

Dawladdu ma gacan qabato

In badan oo ka mid ah shacabka magalada Muqdisho ayaa la dhacsan hawsha ay ambalaastani qabato maadaama oo ay u istaagtay hawl ay siyaasiyiintu ka gaabiyeen.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Aamin Ambalaas ayaa gacan ka gaysatay weerarkii bishii Oktoobar ee 2017 kaas galaaftay 580 ruux

Maanta Aamin Ambalaas oo ku hawlgasha tabarucaad waxaa u shaqeeya 35 ruux, qaar badan oo dhaqaalahaas ka mid ahna wuxuu ka yimaaddaa mutadawiciin iyo arday, sida uu sheegay Dr Cabdiqaadir.

Mutadawiciinta mushaar ma qaataan balse waxaa laga bixiyaa kharashaadka kale sida lacagta kaga baxda gaadiidka ay shaqada ku yimaadaan ama guryahooda ugu laabtan.

Aamin waxaa hadda diyaar u ah labaatan ambalaas mid kastana darawal ayaa ku qoran.

"Tabarucaad ayaan ku shaqaynaa. Dawladdana kama helno wax dhaqaale ah ama gacan qabasho ah".

"Muddo ka hor ayaan duqa magaalada Muqdisho waydiisannay in ay maalintii na siin karaan 10 litir oo shidaal ah, balse illaa iyo hadda wax war ah kamaanaan helin."

"Soomaalidu waa dad wax quura"

Laakiin Dr Cabdiqaadir ayaase taageero ka helay Qaramada Midoobay.

"Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa noo gadday labo gaari, isla markaasna noo qaybisay taleefoonnada u qaabaysan in shaqaaluhu ku wada socdaan, ayuu yiri 45 jirkan.

"Dubai ayaan ka soo gadanay ambalaasyo la soo isticmaalay, mar dhaw ayaana keensannay, safaaradda Britain ee Muqdishana waxay noo qaban qaabisay orad nus maaradoon ah, si lacag loogu aruuriyo adeegganaga.

Lacag in la aruuriyo waa arrin adag, maadaama oo maamulkii dawladdu uu goobaha qaraxyada ka mamnuucay Aamin Ambalaas. Ayuu intaas ku sii daray.

Waxay u muuqataa in mashaakilku uu ka billawday in dawladdu ay xasaasiyad ka qabto tirada dadka ku dhinta qaraxyada ay gaystaan Al Shabaab. Amin Ambalaas ayaana saxafiyiinta ku wargaliya dhammaan waxyaabaha ay arkeen, iyaga oo baraha bulshada soo dhiga.

Mamnuucitaankan ayaa dadka qaar ka xanaajiyay ka dib markii ay toddobaadkii hore baahisay BBC Somali, waxayna dawladda ku eedeeyeen in ay "gargaar ka hor istaagayso".

Dr Cabdiqaadir ayaase isku dayay in uu yaraha dajiyo.

"Taliyaha booliiska ayaan la hadlay, wuuna ka noqday mamnuucidda, balse wuxuu noo sheegay in aan la socodsiinno marka aan aadayno meesha ay xaalad degdeg ah ka jirto, waana nagala hor istaagay in aan la hadalno saxaafadda ama u sheegno maydadka ay indhahanagu qabteen."

Afhayeenka gobolka Saalax Xasan Cumar ayaa BBC-da u sheegay in isfaham darro ay dhacday, arrintuna ay ahayd "sidee ugu wanaagsan ee aan u wada shaqayn karno".

Dr Cabdiqaadir ayaa u arka in madax xannuunka laga gudbi doono maadaama uu ku niyad san yahay sida loo garab istaagay tan iyo markii uu billaabay adeegga ambalaasta.

"Qof kaste nolosha ujeeddo ayuu ka leeyahay, waxa iila qiimo badanna waa nolosha banii'aadamka," ayuu yiri.

"Dadka Soomaalida ah waa dad samaha jecel, xataa marka aysan faraha waxba ku hayn. Dalkanagu 30 sano ayuu qasnaa, wuxuuna ku kala socdaa lacagaha ay qurba joogtu dadkooda u diraan.

"Aamin waa dadaal bulsho - waa in aan dhexda xiranaa si aan uga shaqaynno wanaaga walaalaha kale ee Soomaaliyeed.

"Siyaasiyiin ma nihin"

"Inkastoo wararka Muqdisho ka soo yeera ay u badan yihiin qaraxyada ay gaystaan ururka Al Shabaab haddana hawshoodu intaas uun kuma koobna.

Cabdiqaadir wuxuu sheegay in ambalaastu ay aado meesha looga baahan yahay haddii uu yahay canug xanuunsan, haweenay foolanaysa ama qof waayeel ah oo caawimaad u baahan.

"Nooc kaste oo baahi ah iyo qof kaste oo noo baahda waan caawinnaa runtii, waxaana heegan noogu jiro kalkaalisooyin caafimaad iyo dad u tababaran gurmadka caafimaad ee degdegga ah. ayu intaas ku sii daray.

Dakhtarku wuxuu hiigsanayaa in uu arko Soomaaliya oo dadku aysan u dhimanayn, caawimaad ay waayeen wakhtigii ay u baahnaayeen awgeed.

Wuxuu ku rajo wayn yahay in uu arko Aamin Ambalaas oo dalka oo dhan ka hawlgasha.

Image caption Dadka taleefannada qabta ayaa 18 saac shaqeeya waxayna kala hagaan ambalaasyada

Waxay u muuqataa in taasi aysan suurogal ahayn maadaama oo dhul badan oo baadiye ah uu ka taliyo ururka Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa lagu yaqaannaa in ay dad badan oo Soomaali ah lacago waydiistaan si ay ganacsigooda ugu ammaan galiyaan, goobaha ay sidaas ka sameeyaanna waxaa ka mid ah xitaa magaalada Muqdisho oo laga saaray 2011, balse waxay u muuqdaan in aysan dan ka lahayn Aamin Ambalaas.

"Ganacsi ma nihin, faa'iido kama samayno, siyaasiyiinna ma nihin. Marka iima muuqato wax Al Shabaab ay noo soo farogaliyaan," ayuu yiri Dr Cabdiqaadir.

Mowduucyada la xiriira