Gaarissa: Garoon kubadda cagta oo casri ah oo laga hirgeliyey

Dhalinyaro garoonka kubbad ku ciyaareyso
Image caption Dhalinyaro garoonka kubbad ku ciyaareyso

Magaalada Gaarissa ayaa laga hirgeliyey garoon casriya oo kubadda cagta ah, garoonkaasi oo noqon doono mid si weyn wax uga qabta baahida ay dhalinyarada kubadda xiiseysa u qabeen garoon nidaamsan oo ay kubadda ku ciyaaraan.

Wariyaha BBC Bashkas Jugsoo dhacay oo dhawaan booqday magaalada Gaarissa ayaa wuxuu la kulmay dhalinyaro garoonka ku ciyaareysay waxayna uga warrameen waxa ay filayaan inuu garoonkan cusub dhalinyarada uu ku soo kordhiyo.

Image caption Dhalinyaro garoonka kubbad ku ciyaareyso

"Garoonkan meesha laga furay aad ayaan ugu faraxsannahay haddaan nahay dhalinyarada Gaarissa, waa horumar aan aad u sugeynay dhalinyarada isku keenaya qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta dhalinyarada Gaarissana wax weyn ka tarayo, waana houmar dhalinyarada iticmaalka daroogada ku mashquulsan ka sii jeedinaya" ayuu yiri Axmed Rashiid.

Sida oo kale Farxaan Axmed wuxuu yiri "Waxaan isleeyahay dhalinyara badan iney awooddooda ay ku soo bandhigi doonaan, runti aad ayey dhalinyaradu u dhibaateysnaayeen oo ma haysan garoon casriya oo noocan ah oo sidaan u qalabeysan, una qurux badan, madaxda gobolka Gaarisana waxaan ka fileynaa in ay noo keenaan garoomo kan ka sii carisan."

Image caption Dhalinyaro garoonka kubbad ku ciyaareyso

"Inta aan garoonkan la hirgelininna waxay dhalinyarada ku ciyaari jireen garoommo boor ah oo aan u wanaagsaneen caafimaadka dhalinyarada oo inta badan ay iyaga diyaarsadeen" ayuuna sii raaciyey.

Garoonkan casriga ee kubadda cagta ee laga hirgeliyey magaalada Gaarissa ayaa loo yaqannaa 'Sanziro'.

Image caption Dhalinyaro garoonka kubbad ku ciyaareyso

Nuuraddiin Beddel Tubeen oo ah tababare ka howlgala magalada Gaarissa wuxuu isna sheegay "in ay marar badan ay ka hadli jireen in garoon noocani ah loo baahan yahay."

"Garoonkan ma aha garoon aad u weyn balse waxaa halki mar ku ciyaari kara 7 ciyaartooy oo kooxdiba u safata, dhalinyarada aan maalinti fursad u heysan in ay kubbad ciyaaraanna wuxuu garoonkan u sahlayaa xilliga ay shaqooyinka ka soo rawaxaan ama goobaha waxbarashada ka yimaaddaan iney fursadda garoonkan ka faa;ideystaan, marka waxaan aaminsanahay inuu garoonka faa'ido badan uu u lahaanayo" ayuu yiri Nuuraddiin.

Image caption Dhalinyaro garoonka kubbad ku ciyaareyso
Image caption Dhalinyaro garoonka kubbad ku ciyaareyso
Image caption Dhalinyaro garoonka kubbad ku ciyaareyso