Arrimo xasaasi ah oo halis galin karo mustaqbalka Muqdisho

. Lahaanshaha sawirka Cabdifitaax Jaante
Image caption Saddex arrimood oo ku soo kordhay xaaladda amni ee Muqdisho

Xaalado amni darro oo ay kamid yihiin dhulka dowladda ee la deggan yahay, dilalka darawalada Bajaaj-ta iyo siyaasiyiinta isku eedeynaya kamid ahaanshaha Al Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo kordhay amniga magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka qaar ay qabaan aragti ah in xasiloonida caasimadda ay ku xiran tahay.

Dilalka loo geysto darawalada bajaaj-ta

Askar la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya oo joogay bar-koontarool ayaa dil u geystay labo wiil oo mid ka mid ah uu ahaa darwal bajaaj, halka kan kalena uu ahaa qof la saarnaa bajaajta.

Dilka ayaa dhacay kadib markii askarigu uu u sheegay wiilka waday bajaajta inuu dib u laabto, balse wiilka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ku wargeliyay askariga inuu kusii jeedo hoygiisa oo ku yaalla nawaaxigaasi.

Cabdulaahi Maxamed Cismaan, oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta ayaa BBC u sheegay in wiilka geeriyooday iyo askariga uu hadal dhexmaray.

"Askariga ayaa u sheegay wiilka geeriyooday inuusan mari karin waddada balse wiilka ayaa ku adkeystay inuu kusii jeedo gurigiisa'', ayuu yiri Cabdulaahi Maxamed Cismaan oo bajaajle ah.

Lahaanshaha sawirka Cabdifitaax Jaante
Image caption Wadooyinka Muqdisho

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowladda Muqdisho ku dilaan darawallada Bajaaj-ta ayaa haddana falkii ugu dambeeyay waxaa uu kaga duwan yahay kuwii hore arrimo ay kamid yihiin dibadbaxyo daba socday oo ka dhacay wadooyinka Magaalada muqdisho.

Madaxda laamaha ammaanka iyo dowladda hoose ee Xamar ayaa dhowr jeer oo hore ballan qaaday inay wax ka qabanayaan dilalka loo geysto darawallada Bajaajta, balse wali waxaa muuqata in aysan joogsanin dilalka, taasi oo xaalad horleh ku soo kordhisay amniga caasimadda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isla galabtii uu dilka dhacay ka hadlay wixii dhacay ayaa si kulul u cambaareeyay arrintaasi.

"Qofkii wax tabanaya ma aha in sharciga iyo cadaaladda gacantiisa uu ku qaato, ma aha in uu hantida shacabka Soomaaliyeed burburiyo, ma aha in uu nabad gelyo xumo iyo nidaam xumo horseedo, ma aha in cadawga aan la dagaaleyno oo argagaixisada ah uu gacan siiyo", ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha intaas raaciyay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan dad uu ku sheegay inay yihiin qaswadayaal kusoo dhex dhuunta dadka shacabka.

Lahaanshaha sawirka Xildhibaan Goodax Barre
Image caption Xildhibaan Goodax

Siyaasiyiinta isku eedeeynaya kamid ahaanshaha Al-Shabaab

Waayihii hore way adkeyd in la arko siyaasiyiin isku eedeynaya kamid ahaanshaha Al Shabaa iyo kuwa dowladda ku eedeynaya in laamihii amniga ay ku dhex milmeen rag katirsan Al-Shabaab, balse maalmihii la soo dhaafay waxaa aad usoo shaac baxay siyaasiyiin kala fikir duwan oo hadana isku eedeynaya kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab oo aan horay looga baranin.

Xildhibaan Goodax Barre oo sidoo kale ah wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka oo ka dhex hadlayay xarunta golaha shacabka xilli halkaas uu buuq ka dhashay arrimaha amniga uu ka tagnaa ayaa qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ku eedeeyay inay ka shaqeyaan danaha kooxda Al-Shabaab ee barlamaanka dhexdiisa.

"Al-Shabaab waxay rabeen in fowdo ay barlamaanka ka dhacdo, waxaa u sahlay dad sheeganaya inay xildhibaano yihiin, ficilkooduna uu Shabaab ka u adeego, waa dad shabaab u shaqeeyo", ayuu yiri xildhibaan Goodax Barre.

Waxaa sidoo kale xigtay in xildhibaan Zakariye Gaashaan oo kamid ah mudaneyaasha golaha shacabka uu taliyaha hay'adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasin weydiiyay su'aal ahayd in hay'addaasi ay ku dhex milmeen rag katirsan Al-Shabaab, maadaama taliye ku xigeenkii hore ee NISA uu horay u xaqiijiyay arrintaasi.

Hasayeeshee taliye Fahad Yaasin ayaa la sheegay in uu xildhibaan Zakariye ka dalbaday in uu raaligelin ka bixiyo hadalkaas, oo haddii uu sidaasi sameyn waayana uu ka qaadi doono tallaaba waafaqsan sharciga.

In dhinacyada uu midba mid ka kale ku eedeeyo inuu yahay Al-Shabaab ayaa ah astaan xun oo muujinayso in isku talax-tegayaan, oo xitaa sababi karto in taageerayaasha iska soo horjeedo uu midba baneysto dhiigga midka kale.

Dhulka Dowladda ee la haysto

Arrinta ku saabsan dadka deggan xarumihii hore ee dowladda ayaa iyaduna noqotay mid muddooyinkii dambe aad loo hadal hayay.

Dhul ay dagan yihiin dad uu kamid yahay xildhibaan katirsan aqalka Senate-ka ee Soomaaliya, ahna hogaamiye kooxeed hore - Muuse Suudi Yalaxow ayaa maalmahan noqday mid aad loo hadal hayo.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu Muuse ku gacan sayray hadal ka soo yeereay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaaalada Muqdisho, Injineer Cabdiraxman Cumar Yarisow oo sheegay in dadka degan dhulkii hore ee ciidammada badda ee Soomaaliya ay baneeyaan.

Guddoomiyaha ayaa 11-kii bishii Maarso sheegay in xaruntii Ex- Marino ee ciidammadii badda ee Soomaaliya laga dhigi doono aag diblomaasi, sidaasi darteedna dadka deggan halkaasi ay baneeeyaan.

Lahaanshaha sawirka Cabdifitaax Jaante
Image caption Dhulkii hore ee dowladda

Waxaa maalmihii dambe soo baxayay warar sheegaya in dhulkaasi laga yaabo inay xiisad ka dhalato, hasayeeshee, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa sheegay in amarkii ay soo saareen uu wali sidii yahay.

"Dadka dhulkaasi deggan waxay ku andacoonayaan in nidaam dowladeed lagu siiyay, waxaan arrintan kala kaashaneynaa wasaaradda gashandhigga, si aan u dhageysano cabashadooda, iyo sidii wax looga qaban lahaa," ayuu yiri Gudoomiye Yarisow oo BBC-da la hadlay.

"Sida ku qoran dastuurka, dowladda ayaa mas'uul ka ah dhulka, waa in ay dowladda u dhaqantaa si mas'uuliyad ay ku jirto oo waa in ay eegtaa sida dowladihii iyada ka horeeyay ay usoo dhaqmeen. Arrinta Muuse, dowladda waxaa la rabaa inay la timaaddo aragti macquul ah oo Muuse Suudi keliya ma ahane dadka oo dhan ay aqbali karaan, taasi oo u hiilineysa sarreynta sharciga". Ayuu yiri Xassan Cali oo ka faallooda arrimaha ammaanka.

Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay in haddii arrintan aysan dowladda u wajihiin qaab waafqsan sharciga ay saameyn ku yeelan karto ammaanka, madaama hub fara badan uu gacanta ugu jiro shacabka.

Waxaa arrinta sii murjinaya taariikhda Muse Suudi, oo horey Muqdisho uga ahaa Hoggaamiye Kooxeed awood badan, taas oo dad badan ay ka cabsi qabaan inay dhaliso abaabul qabiil ku saleysan oo mar kale dib u billawda.

Saddexdan arrimoo ee kor ku xusan ayaa dadka indha indheeya xaaladda Soomaaliya waxay qabaan aragti ah in qaabka hadda loo wajahayo qaab ka duwan loo ambaqaado, si aysan saameyn ugu yeelanin xasiloonida dalka.

"Iyadoo aan qorshihii amniga qaranka la meel marinnin, kii ay AMISOM ku bixi lahayd ee ku meel gaarka ah aan weli meel la isla saarin, xukuumaddana aysan si la yaqaano weli lugaheeda isugu taagin, mucaarad la taaban karo oo la isku hallayn karana uusan jirin, waxaad mooddaa in aysan haboonayn in arimahaas si dowladnimo ah loo wajaho oo aan marna laga maarmi doonin Soomaalinimo, xeer iyo macmiil!" Sidaas waxa ku doodaya Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare Jaamacedeed oo arrimaha Soomaaliyana indha-indheeya.

Dowladda Soomaaliya oo waayihii dambe looga bartay go'aanno aan horay loo arag ayaa haddii aysan arrimahan u wajihin qaab degan ama aysan xal u helin waxaa dhici karta in ay saameyn ku yeelato amniga dalka oo ay haatan la daalaa dhaceyso.

Mowduucyada la xiriira