Ma waa madaw baa u baryay dadka magangalyo doonka ah?

Canada Lahaanshaha sawirka AFP

Dawladda Canada ayaa magac ku yeelatay dunida ka dib markii ay noqotay meel ay ku hirtaan qaxootiga oo si fiican looga qaabilo.

Balse isbadallo ay dhawaan ku samaysay shuruucdeeda ayaa u muuqda in uu dalkaas ka dhigayo mid aan u dabacsanayd qaxootiga, sida ay ka digayaan dadka arrimaha qaxootiga u ol'oleeya iyo qolyaha sharcigan ka soo horjeeda.

Xisbiga Ra'iisulwasaare Justin Trudeau oo lagu yaqaanno aragti furfuran ayaa sheegay in uu sharci badalitaankan uga gol leeyahay in uu adkeeyo in qaxootigu ay kolba dal magangalyo waydiistaan.

Balse khuburada dhanka qaanuunka iyo dadka u ol'oleeya xuquuqda qaxootiga ayaa ka digaya in sharcigan uu baalmarayo midka dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah, uuna waxyeelo u gaysanayo sumcaddii Canada lagu yaqaannay ee ahayd in ay qaxootiga difaacdo.

"Waxay ila tahay xukuumadda xisbiga talada haya ee Liberal-ka dib u gurasho baaxad wayn ayay samaysay" ayuu yiri Warda Shazadi Meighen oo bare sare ka ah jaamacad isla markaasna ah qareen u dooda qaxootiga.

"Canada ayaa safka hore kaga jirtay ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyadoo ay dunida ku soo badanayaan, dadka waddaniyadda ku kalax tagay" arrintaas ayayna meesha ka saaraysaa arrinta hadda soo korodhay.

Sharciga cusub muxuu qaban doonaa?

Sharcigan cusub ayaa la keenay isaga oo qayb ka ah miisaaniyadda dawladda waxaana la soo gudbiyay toddobaadkii hore.

Sharcigan ayaa dhigaya in aan magangalyo laga aqbalin qof soo galooti ah oo xadka jooga mar haddii uu magan galyo horay u waydiistay dal kale oo Canada ay la gashay in ay isla wadaagaan macluumaadka ku saabsan dadka dalkooda qaxooti ahaan uga diiwaan gashan.

Tusaale ahaan dalalka heshiis noocaas ah kula jira Canada waxaa ka mid ah Maraykanka, Britain, Australia iyo New Zealand.

Sidoo kalana racfaan kama qaadan karaan maxkamad caalami ah ama maxkamadaha dalka Canada. Iyadoo taasi jirto haddana waxay dadkaasi mari doonaan baaritaanka qofka dalka laga masaafurinayo lagu sameeyo ee diiradda lagu saaro in qofka qaxootiga ah uu la kulmi karo dil ama jir dil haddii loo celiyo dalkii uu ka soo jeeday.

Wasiirka xadka Bill Blair ayaa sheegay in sharcigan looga gol leeyahay yaraynta dadka magangalyada waydiista dhawrka dal.

Soo dhawayntii qaxootiga

Tan iyo markii uu doorashada ku guulaystay Justin Trudeau sannadkii 2014kii, Canada ayaa sumcad ku yeelatay caalamka, ka dib markii uu dalkaasi soo dhaweeyay qaxootiga iyadoo dalal badan ay xadadkooda ka xirteen.

Markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in uu dalkiisa ka mamnuucay in ay u soo socdaalaan muwaadiniinta toddobo dal oo Muslimiintu aqlabiyad yihiin, Trudeau ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray "Canada ayaa idin soo dhawayn doonta, diintaan doontaanba aad aaminsanaataan ee".

Aragtidii la qaatay ee ahayd in Canada ay gacmo furan ku soo dhawaynayso dhammaan qaxootiga iyo Maraykanka oo adkeeyay shuruucda soo galootiga ayaa horseedday in ay sare u kacdo dadka magangalyo doonka ah ee iska soo dhiibaya xadka Maraykanka iyo Canada.

Tan iyo markii la doortay Trump 40,000 oo ruux oo magangalyo doon ah ayaa ka baxay Maraykanka iyaga oo Canada iska dhiibay.

Magaalooyinka xadka Canada ku yaalla ayaa la daalaa dhacaya in ay adeeg siiyaan kumannaanka ruux ee sugaya in la dhagaysto codsigooda, garoonka olombikada ee Montreal ayaa si ku meel gaar ah hoy looga dhigay.

Arrintan waxaa dhiirigaliyay mudaaharaadyo iyo isku dhacyo ka yimid hoggaamiyeyaasha deegaannada, Meighen ayaana rumaysan in dawladdu ay isbadallada shuruucda qaxootiga dabada uga riixayso si ay taageero ugu hesho marka ay timaaddo doorashada soo socota.

Haddaba maxaa xiga?

Qaar ka mid ah qareennada ku takhasusay arrimaha qaxootiga iyo qolyaha xuquuqda qaxootiga u dooda ayaa sheegay in ay u badan tahay in sharcigan uu dhaqan gali doono maadaama oo uu ku laran yahay miisaaniyad.

Amnesty International iyo ururka ay ku midaysan yihiin qareennada xuquuqda aadanaha u dooda ee Canada, Guddiga Qaxootiga ee Canada iyo kuwo kale ayaa waraaq ay si wada jir ah u soo qoreen u diray ra'iisulwasaaraha iyaga oo ugu baaqay in uu meesha ka saaro sharcigaas.

Jamie Liew oo ah bare sare oo dhigta cilmi qaanuunka isla markaasna u doodda xuquuqda qaxootiga ayaa sheegtay in aysan ahayn in Canada ay ka shidaal qaadato Maraykanka oo dadka magangalyo ugu diida shaqaaqadaha qoysaska ka dhex dhaca iyo aqoonsiga jinsisaga.

"Ma aha in aan ku tiirsanaanno go'aan dal kale - mana aha in Canada ay arrintaas horbooddo" ayay intaas ku sii dartay.

Meighan waxay sheegtay in ay jiri doonto dacwado maxkamaddaha la gayn doono oo ka shidaal qaadanaya go'aankii maxkamadda ugu sarraysa Canada ay gaartay 1985, kaas oo dhigya in dadka magan galyo doonka ah si buuxda loo dhagaysto ka hor inta aan la masaafurin.

Haddii sharciga cusub uu meesha ka saaro in qofka qaxootiga ah afkiisa laga dhagaysto dacwaddiisa, markaas gabadhan waxay qabtaa in go'aankaas waxba kama jiraan laga soo qaadi doono. Balse waxay intaas ku dartay in tallaabadan ay badali doonto sumcaddii kanada.

Mowduucyada la xiriira