Maxaad ka taqaannaa dhismaha laga wada naxay ee ku gubtay Paris?

15 saacadood kadib ayaa la damiyay dabka
Image caption 15 saacadood kadib ayaa la damiyay dabka

Notre-Dame waa dhisme ku dhawaad kun sano jiray oo astaan u ahaa magaalada Paris ee caasimadda u dalka Faransiiska, waxaana uu qeyb ahaan ugu burburay dab baaxad leh oo qabsaday.

Dabka musiibada ah ayaa baabi'iyay qeybta kore ee dhismahan, wuxuuna dusha sare uga gudbay taallada dheer ee uu caanka ku yahay dhismahaas, taasoo la arkayay iyadoo soo dumeysa.

Mas'uuliyiinta Faransiiska ayaa shegay in dabka la damiyay 15 saacadood kadib markii uu billowday, waxaana uu halis galiyay inuu burburiyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee dhismahaas.

Muxuu muhiim u yahay Notre-Dame?

Dhacdadan uu dabka ku qabsaday Notre-Dame ayaa noqotay mid ay aad uga naxeen dadka Faransiiska iyo guud ahaan kuwa yaqaanna qiimaha uu u leeyahay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Faransiiska oo goobta booqday ayaa sheegay in laga hortagay khatartii ugu weyneyd

Waa dhisme la hirgaliyay qarnigii 12-aad, haddana jira 850 sano, waxaana ku dhex taallay mid ka mid ah kaniisadaha ugu qadiimisan ee Yurub.

Wuxuu dhismahan ahaa meel loo dalxiis tago oo lafdhabar u ah taariikhda magaalada Paris.

Emmanuel Gregoire, oo ah ku xigeenka duqa magaalada Paris ayaa sheegay in dhammaan qeybihii alwaaxa ka sameysnaa ee dhismahan ay baaba'een.

Maxaa ka badbaaday hantidii ugu muhiimsaneyd ee dhismahan?

Kooxaga gurmadka deg-degga ah ee la tacaalayay daminta dabka ayay u suurta gashay inay badbaadiyaan qaar ka mid ah qalabkii ugu muhiimsanaa ee yaallay kaniisadda qadiimiga ah.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Malaayiin ruux ayaa sanad walba u dalxiis tagi jiray dhismahan

Qalabkaas oo isugu jira farshaxan hore oo aan meelo kale laga helin iyo qalab diimeed ayaa waxaa ku jira wax lagu sheegay inuu yahay "Taajkii uu madaxa saran jiray Ciise" oo dadka masiixiyiinta ah ay hadda u yaqaannaa Jesus.

Shaati la sheegay in uu xiranaa boqorkii lagu magacaabi jiray King Louis IX, markii uu taajka Ciise keenayay Paris, ayaa sidoo kale ka mid ah qalabka qiimaha sare leh ee la badbaadiyay.

Waxaa durba billowday ol'ole ku saabsan sidii dib loogu dhisi lahaa dhismahan qadiimiga ah, iyadoo dowladda Faransiiska ay sheegtay inay tallaabadaas qaadi doonto.

boqollaal milyan oo euro ayaa lagu yaboohay in lagu biirin doono dhaqaalaha dib loogu soo nooleynayo dhismahaas taariikhiga ah ee magaalada Paris.

Mowduucyada la xiriira