Sababta ay mararka qaar u fiican tahay in la xanaaqo

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Bisad u muuqata inay careysan tahay

Guud ahaan dunida, saboolnimada hoos ayey u sii dhaceysaa waxaana sii kordhaya rajada laga qabo nolosha habboon. Dalalka horumaray dadkooda waxay intooda badan ka nabadgalyo badan yihiin kana hanti badan yihiin dadkii hore ee soo maray taariikhda dunida.

Iyadoo ay saas tahay, wali waxaa jirta in bulshooyinka dhexdooda ay ka jirto caro farxad la'aan.

Laga billaabo jidadka ilaa baraha xiriirka bulshada, waxaad ku arkeysaa wajiyo xanaaqan oo aan loo riyaaqeynin.

Muxuu u jiraa xanaaq badan?

Daraasado ay sameeyeen hay'adaha Qaramada Midoobay, WTO iyo dalalka qaarkood ayaa lagu ogaaday in dunida uu kasii yaraanayo faqriga dadkana ay nolosha horumar kasii gaarayaan.

Su'aasha la isweydiinayo ayaase ah sababta ay dad badan oo caalamka ku nool u xanaaqsan yihiin xilli walba.

Oliver Burkeman oo ah wariye u dhashay dalka Ingiriiska, oo wax ka qora sida farxadda loo kasbado ayaa go'aansaday inuu qorshihiisa baddalo isla markaana uu fidiyo xanaaqa.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka qaar way iska dhaxlaan muuqaalka xanaaqa ee wajigooda

Sidaas awgeed, maxaan u caroonaa? Maxay ku imaataa carada? Miyey xuntahay in la xanaaqo?

Waxaa laga yaabaa inaad ku fikirtid in dadka aan xanaaqin ay ama wax dagaal ah galin ay ka nolol fiican yihiin kuwa intaasoo dhan sameeya, laakiin sidaas ma aha waxa dhacay.

"Xanaaqu waa wax lagu helo cilmi, khibrad iyo aqoon dhinaca dhaqanka ah", ayuu yidhi Aaron Sell, oo ah barfasoor cilmi nafsiga ka dhiga jaamacad ku taalla gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: "Waxa dhacay waa in dadka xanaaqa ay helaan nolol ka fiican midda ay helaan dadka aan xanaaqin".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mid ka mid ah dadkan ma daandaansan lahayd

"Waxay ku gorgortamaan in si wanaagsan loola dhaqmo waxayna guul ka gaaraan dagaallada lugaha lasoo gala danahooda gaarka ah".

"Waqtiyadii lasoo dhaafay, dadka aan xanaaqin waa lagu kor socon jiray, dadka kale ayaa wax walba ka xadi jiray six un ayaana loola dhaqmi jiray, dhibaatooyinka arrimahaas kasoo gaara ayeyna u dhiman jireen", ayuu yidhi Barfasoor Sell.

Wuxuu sheegay in kuwa badbaaday ay yihiin kuwii loogu gooddiyay inay wada shaqeynta la noqdaan, waxaana loo diiday in ay dadka kale xasuusiyaan sida ay xaaladdooda u fiicneyd.

Xanaaqa ayaa bani'aadanka u horseeday horumar weyn, sida uu sheegay Barfasoor Sell.

Mowduucyada la xiriira