''15 jir ayaan ku guursaday anigoo reer miyi ah hadana noolasheyda waan maareeyaa''

Muxumad Cabdi
Qoraalka sawirka,

Muxumad Cabdi

Muxumad Cabdi wuxuu ku barbaaray tuulo ka tirsan Dagmada Dhadhamane wuxuuna ka dhashay qoys Beeralay ah, Isaga oo 15jira ayuu jeclaaday gabadh 13 jir ah oo deganayd tuulo kafog oo markaasi la noolayd qoskooda.

Isagoo aysan war ka heynin ayaa wuxuu suuqa geeyay oo uu gatay rati aabihii lahaa, wuxuuna siistay 8600 oo bir lacagta Itoobiya ah. Wuxuu ku iibsaday dhar, wuuna ku arad baxay.

Maxamed ayaa BBC-da u sheegay in halsano oo haasaawa ah ka dib isaga iyo gabadhii uu jecla ay isku afgarteen inay is mehersasaan, oo waa uu la soo baxsadya gabadhii isagoona keenay gurigooda.

Kadib markii uu reerkooda keenay aabihii ayaa u tagay gabadha reerkooda, sidaa ayaana loogu oggolaaday in uu guursado gabadah.

''Anagoo yar yar ayaan kulanay ,markaan gabadha guursanaaya waxaan jiray 15 jir iyadana sidoo kale,''.

2 sano ayey wada joogeen balse wax ilmo ah iskuma aysan dhalin, wuxuuna taasi u sababaeeyay yaraantii ay isku guursadeen.

Qoraalka sawirka,

Magaalada Jigjiga

Kadib in muddo ah oo uu reekoodu dhisnaa, waxaa dhacday abaar ba'an, qoyska Maxamed na waxa ka dhamaaday xoolihi, waxaana uu go'aansaday in isaga iyo xaaskiisa ba ay culeyska ka dulqaadaan aabihi oowaxaa uu usoo guuray magaalada Jigjiga.

''Waxaan is iri magaalada ayaa dhaanta miyiga, waxaan halkan u yimid in aan ganacsado, markaan magaalda soo galeynay lacag yar ayaan haysanay intaan shaqadan ka helaayayna lacagtaas ayaan isku maareyn jirnay''.

Wuxuu bilooyin shaqo la'an ku ahaado magaalada Jigjiga, ugu dambeyn wuxuu bartay baalashlenimo oo hada wuxuu ka biila reerkiisa isagoo da'diisu ay tahay 20jir, xaaskiisana waa 17 jir heysta 2 caruur ah noolashooduna ku qanacsan

''Shilimaadka aan maalintii shaqeeyo rerkeeyga waa ay ku filantahay, xaaskeygana way ku qanasantahay lacagta yar ee aan soo shaqeeyo, sidan ayaana isku jeclnahay, maalinta aan waxbo shaqeeynin waxaan isticmaalnaa lacag aan dhigtay bangiga.''.

Waxaa kale oo uu BBC-da u sheegay in sannad uu waday shaqadan, malaintiina uu shaqeeyo lacag dhan 300 oo bir, noolasha magaaladana ay ka wanaagsan tahay tan miyiga.

Inkastooy noolasha magaalada ay adagtahay inay la qabsadaan dadka qaar ee miyiga ka yimid ayaa hadana waxaa muuqata in Maxamed iyo xaaskiisa ay u dhabar adeegeen inay noolal wanaagsan oo ka duwan tan miyiga ka smaeystaan magaalada.