Maxay ka dhigantahay in xil cusub loo magacaabay Nicholas Haysom?

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalkeeda uga eriday Haysom oo ahaa ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalkeeda uga eriday Haysom oo ahaa ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Ergeygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, kaas oo sannadkan horaantiisa ay dowladda Soomaaliya ka erisay dalka ayaa loo magacaabay xil kale.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Nicholas Haysom u magacaabay in uu noqday ergayga UN-ka ee dalka SUDAN, si uu Midoowga Afrika ugala shaqeeyo arrimaha dalkaas ka taagan.

"Waxa uu gacan siin doonaa dedaalada Midoowga Afrika ee xasilinta Suudaan" ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Xoghayaha Guud ayaa magacaabista Haysom kala hadlay xoghayaha guud ee Midoowga Afrika Muusa Fiqi.

Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in xukunka dalkaas lagu celiyo gacanta rayidka.

Sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah xeeldheerayaasha siyaasadda oo balse magaciisa ka gaabsaday , magacaabista Haysom ayaa ka dhigan heerka kalsoonida lagu qabo ninkan bilo kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku adkaysatay in uu ka boxo Muqdisho.

Kumaa lagu badelay booskii Haysom?

Bishii Maarso ee sannadkan, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ergeyga Geeska Afrika usoo magacaabay danjire Parfait Onanga-Anyanga, oo u dhashay dalka Gabon.

Dublamaasigan oo muddo dheer kasoo shaqaynayay arrimaha Qaramada Midoobay ayaa loo arkay in uu yahay ninka badelay Nicholas Haysom, balse loo magacaabay xil aan horey u jirin oo ka sareeya kii hore ee Soomaaliya ku koobnaa.

Xeeldheeraha BBC-da la hadlay, ee balse magaciisa ka gaabsaday, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay dowladda Soomaaliya la ciyaartay jar dublamaasiyadeed oo cusub kadib markii dowladda ku dhaqaaqday tallaabo ugub ah oo aysan jirin dal horey u qaaday.

Sida ay Qaramada Midoobay sheegtay, marka laga hadlayo qaanuunka caalamiga ah, ma jiro sharci lagu eryi karo ergay ama dublamaasi ka socda Qaramada Midoobay, sharciga Persona Non Grata ee ay dowladda Soomaaliya cuskatay waxa kaliya oo uu qabanayaa safiirada ka socda dalalka madaxa banaan ee xiriirka dublamaasiyadeed uu kala dhaxeeyo dalka wax eryaya.

"Saddex arrimood ayaa lagu fasiri karaa sababta loo magacaabay Parfair Onanga-Anyanga, koow waa in uu isku duba rido hawlaha isdhexgalka dalalka Geeska Afrika ee socda hadda, ujeedka labaad waa si Qaramada Midoobay ay hesho dariiq nadiif ah oo ay kula macaamisho Somaliland iyada oo aan xanibaad lagala kulmin Xamar, islamarkaasna dheelitir loogu helo arrimaha wadahalada labada dhinac, tan seddexaad ayaa ah in la dhimo muhiimadda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si looga baaqsado weji gabixii Qaramada Midoobay ka qabsaday eryiddii Haysom" ayuu yiri falanqeeyaha.

Xoghayaha Guud Antonio Guterres ayaa sheegay in tiro saddex mar ah uu taleefoon kula hadlay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu ugu qanciyo in laga noqdo go'aankii lagu eryay Haysom, balse uu Farmaajo ku adkaystay go'aanka.

Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayay dowladda federaalka isku qoomeen arrimo la xiriira khilaafkii dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo illaa hadda sii jiitamaya.