Deero dil iyo dhaawac u geysatay qoys xannaaneysanayay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weerarrada ay geysato deerada ayaa dhif ah
Deero guri joog ah ayaa geesaha ku dishay nin, iyadoo sidoo kalena dhaawac halis ah gaarsiisay xaaskiisa, sida ay sheegeen booliska dalka Australia.
Weerarka noocan ah ayaa la sheegay inuu yahay mid dhif iyo naadir ku ah waddankaas.
Ninka dhintay oo 47 jir ahaa ayaa damcay inuu quudiyo deerada oo uu isagu xannaaneysan jiray, waxaana weerarkan uu dhacay aroornimadii Arbacada.
Xaaskiisa ayaa hadda laga daweynayaa dhaawacyo halis galinaya nafteeda, ka dib markii ay isku dayday inay ninkeeda caawiso, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah.
Daraasad lagu sameeyay dhimashada dadka ay weerareen xayawaannada ee dalka Australia, intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2013 ayaa lagu sheegay in aysan ku lug lahayn deero.
Dr Ronelle Welton oo daraasaddaas qortay ayaa BBC-da u sheegtay in aysan waligeed maqlin weerar ay Deero geysatay oo ka dhacay dalka Australia.
Booliska ayaa sheegay in ay deerada waxyeellada geysatay ku dileen meel u dhow magaalada Wangaratta, oo qiyaastii 250km dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Melbourne.
Booliska ayaa sheegay inay dileen deerada dhibka geysatay
Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrantay in haweeneyda dhaawaca qabta uu deerada ka badbaadiyay wiilkeeda oo dhowr iyo toban sano jir ah.
Qoyskan ayaa la sheegay inay xayawaankaas xannaaneysanayeen muddo qiyaastii 6 sano ah.
Kororka deerada
Mas'uuliyiinta gobolka ayaa dhawaanahan ka digayay dhibaatada ka dhalan karta deerada ku badatay halkaas, oo tiradeeda lagu qiyaasay inay gaartay in ka badan 1 malyan.
Warbixin ay dowladda soo saartay sanadkii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay in deerada ay sababto inta badan shilalka iyo burburka waddooyinka.
"Aragtida deerada iyo halista soo wajahday badbaada dadka ayaa muddooyinkan sii kordheysay", ayaa lagu yidhi warbixinta.