29 qof ku dhimatay shil ka dhacay Jasiiradda Madeira

Burburka gaariga Baska Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burburka gaariga Baska

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhimatay ka dib markii gaari Bas ah oo siday uu shil galay.

Baska oo siday dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa ku rogmaday Madeira.

27 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Cani├žo.

Darawalkii waday gaariga Baska ayaa la sheegay in uu koontaroolku ka lumay ka dib na uu waddada ka baxay.

"Ma hayo erayo aan ku cabiro waxa dhacay,ma qiyaasi karo dhibaatada dadkan soo gaartay," waxaa sidaasi sheegay duqa deegaankaasi Filipe Sousa.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gawaarida gurmadka degdega ayaa lagu qaaday dhaawacyada

Dhamaan dalxiisayaashii saarnaa gaariga Baska ah ayaa u dhashay dalka Jarmalka,balse waxaa ka mid noqon kara dad maxali ah.

11 ka mid dadkii ku dhintay shilkaasi ayaa ahaa rag halka 17 ay dumar ahaayeen.

Baska ayaa la sheegay in uu siday 55 qof,darawalkii iyo dadkii hagayay dalxiisayaasha.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa la xiray islamarkana dhaawacyada ayaa isbataalada loo qaaday.