Hooyo Soomaaliyeed oo baahi ka cabatay iyo wasiir balaayo sheegnimo ku eedeeyay

Qolaji
Image caption Qolaji

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda dadka Soomaalida ah ee ka soo bara kacay colaaddii Oromada iyo Soomaalida.

Nimco Xasan oo ka mid ah hooyooyinka ku jira xerada qaxootiga ee Qoliji oo qiyaastii 50km u jirta Jigjiga ayaa sheegtay in labo ama saddexdii bilood mar la siiyo kiish ama jawaan masago ah oo kali ah.

"Markaan helo wax aan ku shiidanno waan shiidannaa, markii kalana biyaha ayaan isaga shubannaa,"

"Wali nalama siin saabuun, sonkor iyo caano toona." Ayay intaas ku sii dartay nimco oo hor fadhida guri aqal Soomaali u hannaan eg oo aan cago adag ku taagnayn.

Inkastoo waalidka halkaas ku nool uu ka calaacalayaan nolosha adag ee xerada qaxootiga Qoloji, haddana dhallaanka iyo carruurta xeradaas ku jira ayaa guruaha yaryar dhexdooda isaga ciyaaraya dhuumaalaysi, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da ee magaalada Jigjiga Cabdinaasir Xikam.

Xikam ayaa Nimco waydiiyay sida ay suurtagal ku tahay in qoys dhan uu labo billood ku noolaado hal jawaan oo galay ah, balse hoyadaas ayaa ku dhaaratay magaca Ilaahay iyada oo sheegtay in aysan qoyskeedu waligood qaadan wax aan galaydaas ahayn".

Image caption Xerada Qaxootiga ee Qolaji

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo mar sii horraysay ka hadlay xaaladda dadka barakacayaasha ah ee Qoloji ayaa sheegay in ay wax badan iska badaleen intii uu xilka qabtay isla markaasna uu sare u qaaday biyo dhaaminta, waxbarashada, caafimaadka iyo cuntada.

"Marka awrkacsiga iyo huuhaada laga tago waa la soo qiimayn karaa" ayuu intaas ku sii daray Mustafe Cagjar.

Dadka ku nool xerada qolojiyo ayayse u muuqataa in aysan dan ka lahayn xukuumadaha badallay waxayna sheegeen in ay wali noloshu ku cakiran tahay.

"Gaajo ayaa noogu daran, biyo xumo ayaa jirta, dawladdu waxay sheegtay in xaaladdanadu wanaagsan tahay, balse dadku in ay macaluuli mariso ayaa laga yaaban yahay" ayuu yiri Ibraahim Cabdullaahi Macallin Xasan oo ka mid ah dadka qaxootiga ah ku ah Qoloji.

Baahidaas ballaadhan ee ay sheeganayaan dadkaas qaxootiga ah waxaa meesha ka saaray oo hadalkii madaxweynaha xoojiyay Faatax Maxamed Faatax oo ah wasiirka ka hortagga iyo xakamaynta aafooyinka iyo abaaraha Dawladda Deegaan Soomaalida dalka Itoobiya.

"Sartu waxay ka qurunsan tahay" dhaqanka Soomaaligaa wuxuu yahay marka su'aal la waydiiyo ee la dhoho wax ma heshaa, isaga oo wax siyaadso is leh ayuu qofka Soomaaliga ahi dhihi waligay wax ma helin" ayuu yiri Faatax.

Midkuu doonaba ha noqdoo waxaa meesha ka cad in labada dhinac midkood uu xaqiiqada ka fog yahay.

Wariyaha BBC-da oo dhex maray xerada qaxootiguna wuxuu sheegay in dadku aysan hadalhaynin caafimaad iyo iskuul balase waxa ugu wayn ee ay sheeganayaan uu yahay biyo iyo cunto.

Waxkaste oo ay qabeenna waxaa walaac hor leh ku haya roobabka guga maadaama oo ay ku nool yihiin guryo macmal ah, waxaana intaas sii dheer oo foodda ku soo haya bishii Ramadaan.

Baahida meeshan ka jirta Illaahay unbaa garan kara, noloshuna markii hore ayay 100% dhaantay ayuu hadalka ku soo gabogabeeyay Sheekh Axmed Maxamed Cumar oo imaam ka ah masaajid ku yaalla xerada qaxootiga ee Qoloji, wuxuuna hadalkaas BBC-da u sheegay isaga oo ku sugan masaajidka dhexdiisa.

Mowduucyada la xiriira