Maxay tahay sababta ay booliska in muddo ah u raadinayeen Jiir?

. Lahaanshaha sawirka facebook.com/nswpoliceforce

Nin hoy la'aan ah oo kasoo jeeda magaalada Sydney ee dalka Australia, ayaa dib ula midoobay jiir uu xanaanaynayay oo ka dhumay horaantii bishaan.

Chris, oo 59 sano jir ah, ayaa aad looga yaqaannaa gudaha magaalada Sydney, halkaas uu mar walba ku wehlin jiray jiirkiisa oo ku jira sanduuq agtiisa yaalay.

Balse maalin maalmaha ka mid ah waxaa ka dhumay saaxiibkiis, xilli uu suuliga ku maqnaa.

Kaddib markii baraha bulshada arrinkan lagu shaaciyey, ayaa booliska waxay bilaabeen inay baadigoobaan jiirka, waxayna ku guulaysteen inay la mideeyaan Khamiistii.

Chris waxa uu u malaynayay in jiirka oo uu ku magacaabay Lucy la xaday dib dambena uusan ula kulmi doonin weligiis.

Si uu u helo jiirkan, fariin uu ku baadigoobayo ayuu meelo badan ku qoray.

Taas ayaa waxa xigay taageerada buuxda ee uu ka helay dadweynaha, iyadoo ay dad badan baraha bulshada soo dhigayeen sawirka jiirka, rajana ka qabeen in qof uu soo heli doono jiirka.

Booliska ayaa dadweynaha ka codsatay warbixin, iyaga oo aaminsanaa in la xaday, balse ugu dambayntii jiirka ayaa helay.

"Haweenay, ayaa aragtay Lucy oo kali ah, waxayna rumaysatay in Lucy looga tagay meel cidla ah, marka waxay gaysay gurigeeda daryeel ayayna siisay". Bayaan ay soo saareen booliska ayaa sidaas lagu yidhi.

Mar ay booliska weydiiyeen sida uu ku xaqiiqsaday in jiirkan uu yahay kii saxda ahaa ayuu mulkiilaha ku jawaabay: "Haa, waa Lucy! il ayey la'dahay. Wayna i xasuusataa".

Lahaanshaha sawirka NSW Police

Sanduuqa markii uu ku ridayay jiirka, Chris waxaa ka muuqatay farxad, wuxuuna askarta ugu mahadceliyay dadaalkooda.

"Iga raali noqda dhibaatada aan dusha idinka saaray". Ayuu booliska ku yiri Chris.

Mowduucyada la xiriira