Todoba qof oo lagu dilay wasaaradda warfaafinta Afgaanistaan

Kabul soldiers Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Weerrarka ayaa waxa uu ka dhacay aag mashquul badan oo ku yaal bartamaha magaalada Kabul

Todoba qof ayaa lagu dilay weerrarkii lagu qaaday wasaaradda warfaafinta ee Afgaanistaan ee ku taal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Kabul, saraakiisha ayaa sidaasi sheegay.

Qarax ayaa la maqlay 11:40 subaxnimo waqtiga maxaliga ah ee dalkaasi halka rasaas goosgoos ahna la maqlayay.

Ila wareed ka tirsan wasaaradda ayaa BBC-da u sheegay in saddex qof ay weerrarka soo qaadeen, iyadoo mid ka mid ahna uu gudaha u galay dhismaha.

Ilaa iyo haatan cid sheegatay weerrarkaasi ma ay jirto, hasayeeshee waxa uu imanayaa maalin un kaddib markii la hakiyay wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo ururka Taalibaan.

Walow maanta uu dagaal culus ka socdo magaalada Kabul, haddana waxa uu imanayaa bilooyin ay magaaladaasi deganeyd.

Maxaa dhacay?

Weerrarka ayaa ka dhacay aag mashquul badan oo ku yaal bartamaha magaalada Kabul, halkaas oo ka ag dhaw hoteellada ugu caansan, dhowr wasaaradood iyo qasriga madaxtooyada.

Qof kale oo ka mid ah dadka weerrarka soo qaaday ayaa isku qarxiyay dalbiga halka midkii saddexaad ay booliska toogteen.

Hoteelka Serena, oo ah mid aad loo ilaaliyo ayaa ka mid ah hoteellada fara ku tiriska ah ee ay isticmaalaan ajaanibta.

Dhismaha wasaaradda warfaafinta oo ka kooban 18 dabaq ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay dhismooyinka ugu dhaadheer magaalada Kabul.

Muuqaallo lagu baahiyay TV maxalli ah ayaa muujinaya daruur ka sameysmatay qiiq ka soo baxayay dhismaha, halka dadku ay isku dayayeen inay ka soo boodaan dariishadaha dhismooyinka uu jooggooda hooseeyo, waxaa sidaasi ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Boqolaal qof oo rayid ah ayaa waxaa laga daadgureeyay dhismaha, wasaaradda ayaa sidaasi sheegtay.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boqolaal qof oo rayid ah ayaa la daadgureeyay, saraakiisha ayaa sidaas sheegaya

Ciidammada ammaanka ayaa haatan waxa ay xireen aagaasi.

Wadahadallo nabadeed ayaa socday

Weerrarka ayaa waxa uu dhacay xilli lagu waday inuu bilowdo wadahadallo u dhaxeeyay Mareykanka iyo Taalibaan, kuwaas oo loogaga gol-leeyahay in nabad loogu soo dabaalo dalkaasi Afgaanistaan.

Kulan dhexmari lahaa saraakiil ka socota maleeshiyaadka Taalibaadka iyo ilaa 250 siyaasiyiin Afgaanistaan u dhalatay ayaa lagu waday inuu ka dhaco magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar inta u dhaxeysa 20 ilaa 21 bisha Abriil.

Hasayeeshee kulanka ayaa Khamiistii si degdeg ah loo joojiyay kaddib markii Taalibaan ay ka cawdeen tirada iyo heerka wafdiga Afghaanistaan.

Bayaan uu soo saaray ururka Taalibaan ayey ku eedeeyeen dowladda Afgaanistaan "inay curyaaminayso shirka iyo dedaallada nabadda".

Mareykanka iyo Taalibaan ayaa waxa ay yeesheen shan kulan oo toos tan iyo bishii Oktoobar 2018, haatanna waxaa dhexda u maraya midkoodii lixaad.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhismaha ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay dhismooyinka ugu dhaadheer magaalada Kabul