Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar al-Bashiir, oo gurigiisa laga helay malaayiin doolar

Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan al-Bashiir

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan al-Bashiir

Dacwad oogaha dalka Suudaan ayaa waxa uu bilaabay baaritaan uu ku sameynayo madaxweynaha xilka laga tuuray ee Cumar Xasan al-Bashiir, kaas oo loo haysto eedo ah inuu si sharci-darra ah lacago isugu kala gudiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad.

Guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ee uu sameeyay goblaha milateriga ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doolar.

Lacagtaas ayaa haatan waxaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Sudan.

Mr al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday.

Sidoo kale al-Bashiir waxaa laga doondoonayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loo soo gaabiyo ICC, taas oo u haysata eedo ah inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq gaystay.

Taliska milateriga Suudaan ayaa 11 bisha Abriil shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir

Wasiirka Gaashaandhigga ee Suudaan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa'id oo si weyn loo sugayay goor dhaow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay.

Cawad Ibnu Cawf ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dalka la galinayo 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo.

Dhanka kale Cawad wuxuu sheegay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadka u xiran arrimaha siyaasadda.

Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.