Kosovo oo 110 muwaaddiniinteeda ah ka soo celisay Suuriya

Kosovo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kooxdan waxay badankood ahaayeen carruur yaryar iyo hooyooyinkood

Kosovo ayaa 110 muwaaddiniinteeda ah ka soo qaadday Suuriya, kuwaas oo badankood ah hooyooyin iyo carruurtooda, balse waxaa sidoo kale ku jira dhowr dagaal yahan.

Kooxdan ayaa ka kooban 74 carruur ah, 32 hooyooyin ah iyo afar nin oo looga shakisan yahay inay u dagaallamayeen kooxda Daacish, kuwaas oo la xiray markii ay yimaadeen.

Milatariga Mareykanka ayaa gacan ka geystay soo celinta dadkan oo markii ay yimaadeen la geeyay xarun ciidan.

Arrinta dib u dejinta ayaa noqotay mid dood dhalisay tan iyo intii meesha laga saaray Daacish.

Kosovo, oo xornimadeeda ka qaadatay Serbia sanadkii 2008, 90% dadkeeda waa Muslimiin.

In ka badan 300 oo dalkaasi u dhashay ayaana Suuriya u safray tan iyo sanadkii 2012, sida ay dowladda sheegtay. Tiradan waxaa ku jira 70 rag ah oo lagu dilay intii uu dagaalka socday.

Booliiska ayaa sheegay in 30 dagaal-yahan oo Kosovo u dhashay, iyo 49 haween ah iyo 8 carruur ah ay weli ku sugan yihiin goobaha dagaalka ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Bilihii la soo dhaafay, tiro haween ah ayaa sheegay inay doonayaan inay dalalkooda ku laabtaan, oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka iyo Faransiiska, si ay carruurtooda meel nabad ah ugu korsadaan.

Balse Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka diiday hooyooyinkan inay soo laabtaan.

Mowduucyada la xiriira