Sawirro: weerarradii lagu le'day ee ka dhacay Sri Lanka

Askari Siri lanka oo taagan meel ku dhow goobta uu weerarka ka dhacay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Askari Siri lanka oo taagan meel ku dhow goobta uu weerarka ka dhacay

In ka badan 200 o qof ayaa lagu dilay qaraxyadi lala beegsaday Kaniisado iyo Huteello ku yaalla dalka Siri lanka.

Qaraxyadaasi maanta ka dhacay dalka Sirilanka ayaa argagax ku abuuray shacabka dalkaasi, iyada oo si aad ah loo adkeeyey ammaanka kaniisadaha iyo huteellada ku yaalla dalkaasi.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Shaqaalaha caafimaadka oo guri ka guri ka howl galay

Dadka la xaqiijiyey iney eheladooda ku dhinteen weerarkaasi waxaa lagu wargeliyey iney dadkooda wax ku noqdeen.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Nin aad u murugeysan oo ka mid ah dadka ay eheladooda wax noqdeen oo hor fadhiya isbitaalka Batticaloa

Bam kale oo aan qarxin ayaa lagu arkay kaniisadda Anthony's Shrine, waxaana isku hareereeyey ciidamada ammaanka dalka Siri lanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ciidama tira badan oo isku hareereeyey kaniisadda laga helay bamka aan qarxin

Kaniisadda Anthony's Shrine waxaa laga soo saaray dad badan oo diinta Budhisim aaminsan oo ku cibaadeysanayey.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Wadaaddada Buddist oo ku sugan afaafka hore ee kaiisadda Anthony's Shrine

Weerarrada ismidaaminta waxaa sida oo kale lala beegsaday Huteello ay inta badan isticmaalaan dalxiisayaasha dalkaasi dalxiiska ku taga.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Mid ka mid ah huteellada qaraxa lala beegsaday

Baadariyiin ku sugan kaniisadda St Sebastian's oo ka warsugayo baaritaanka ay booliska wadaan.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Baadariyiin kaniisad gudaheed ku sugan

Baadariyiin kaniisad gudaheed ku sugan oo aad uga murugeysan waxa kaniisadahooda ku dhacay iyo dadka ay waxyeellada soo gaartay.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Gudaha kaniisad ka mid ah kaniisadaha weerarka lala beegsaday

Gaadiidka degdegga ah ee Ambulance oo ku howlan qaadista dadki ay qaraxyada waxyeellada ka soo gaareen.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ambulance howlaha gurmadka ku jira

Ra'isal wasaaraha Ranil Wickremesinghe oo gaaray goobihi ay qraxyada ka dhaceen.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Ra'isal wasaaraha Siri lanka Ranil Wickremesinghe oo booqasha ku jira