Dad loo xirxiray Faras awgii

Faraska xanuun hayo la dhacay oo dadka loo xiray Lahaanshaha sawirka Jeanette Cook
Image caption Faraska xanuun hayo la dhacay oo dadka loo xiray

Laba qof ayaa loo xiray kaddib marki uu Faras ku dhacay waddada halboowlaha u ah suuqa weyn ee magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska.

Labada qof ee la xiray oo 21 iyo 25 jirra ah waxaa looga shakiyey iney waxyeello u geysteen xayawaanka daryeelka u baahnaa ee dhacay.

Booliska South Wales iyo ururka ugu weyn daryeelka xayawaanaadka ee Ingiriiska ee RSPCA ayaa sabtidii laga soo wacay waddada Westgate saacaddu markay ahayd 19:00 xilliga UK.

Xaruunta lagu daryeelo xayawaanaadka ee Whispering Willows, oo faraska marki ugu horreysay la soo gaarsiiyey waxay sheegtay inuu Faraska xaaladdiisu xasilneyd isla-markaana uu biyaha si wanaagsan u cabbayey.

Sandra Stolp, oo xaruunta ka socota ayaa sheegtay inuu Faraska la ildarnaa tabar darro iyo kuleyl saa'id ah xilliga xaruunta la keenayey ayna daweeyeen.

"Saaka waa uu fiicnaa oo biya ayuu cabay" ayey sii raacisay Ms Stolp.

Lahaanshaha sawirka Jeanette Cook
Image caption Faraska la sheegay inuu la ildarnaa tabar darro iyo kuleyl saa'id ah

Haweeney horay u soo ahayd kalkaaliye caafimaadka xoolaha Jeanette Cook, waxay sheegtay iney aragtay faras sii aad u xun ugu dhacaya waddada dhinaceeda xilli ay gaari ku mareysay waddadaasi.

Radyr oo 38 jir ahna wuxuu sheegay inuu la kulmay Faraska oo neefta ay ka gurmeyso ayna ku uruursanaayeen dad ka badan 50 qof.

Afhayeenka u hadlay ururka ugu weyn daryeelka xayawaanka ee UK Cymru wuxuu sheegay: "iney xalay heleen warbixinta ku saabsan Faraskan ku dhibban Cardiff ee daryeelka u baahan".

Mowduucyada la xiriira