ONLF ma waxay u kala eexatay dadkii usoo dagaallamay?

Xigashada Sawirka, JONATHAN ALPEYRIE
ONLF ayaa in muddo ah la dagaallameysay dowladda Itoobiya
Waxaa meelo badan oo ka mid ah deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ku sugan dhallin yaro dhimirka ku beelay colaadihii ONLF iyo Itoobiya dhexmaray, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.
Dhalinyaradii askarta u ahayd Jabhadda ONLF ee diyaaradda lagaga soo qaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ka dib heshiiskii nabadda ee ay Itoobiya la gashay iyo kuwii kale ee gudaha joogay ayaa loo qorsheeyay dhaqaale lagu kabo noloshooda, waxaa kale oo kuwa danaynaya loo soo bandhigay in ay ka mid noqon karaan askarta kala duwan ee Itoobiya.
Balse ma jiro qorshe rasmi ah oo ONLF ama Dawladdu ay u qabatay dadkii dhimirka ku beelay colaaddihii dhacay, hadday doonaan askartii ONLF-ba ha ahaadeene.
ONLF miyey u kala eexatay dadkii u soo dagaallamay?
Waxay dad badan su'aalo iska weydiiyeen sababta aan ilaa hadda loo soo hadal qaadin dadkii ay horay waxyeellada u gaartay, iyadoo hadda uu dhacay heshiis dhex maray mas'uuliyiinta ONLF iyo dowladda Itoobiya, kaasoo soo afjaray dagaalkii muddada dheer socday.
Caddaani Xirmooge, oo ah afhayeenka ururka ONLF oo BBC-da la hadlay ayaa weydiinnay su'aasha ah "ONLF miyey u kala eexatay dadkii usoo dagaallamay?"
"Maha looma kala eexanin, howshuna sidaas uma dhigna. ururku wuxuu lahaa ciidanka waddaniga xoreynta ogaadeeniya, wuxuu kala ahaa qaar si shacab ah u shaqeeya oo qarsoodi ah, qaar hubkooda wata, qaar dhaawacmay oo dalalka dariska ah tagay, qaar Eretariya ku maqnaa, qaar gudaha kasii dagaallamayay iyo qaar la qabtay oo xabsi ku jiray. Marka waxa xalkiisa la galay ee la kala qorsheeyay, tallaabada koowaadna loo qaaday waa ciidanka xoreynta Ogaadeeniya", ayuu yidhi Caddaani.
Wuxuu intaas ku daray in wajiga koowaad aan lagu soo darin dhammaan dhinacyadii kale ee ururka.
"Xubnaha aan anigu kamidka ahay, kuwa jooga degmo hebla, kuwa dibadaha jooga, kuwa la dhibaateeyay iyo kuwo aan la dhibaateyninba, dhammaantood kuma aysan jirin qorshaha hadda, laakiin waxaa jira qorshe kale oo qorshe fikrad ah oo wali maalgalin loo raadinayo, kaasoo ku saabsan in wax loo qabto dadka halkan ay waxyeelladu ku gaartay iyo dib u dajinta xubhana, qorshahaasna waxaa hadda loo raadinayaa hay'ado iyo guddiyo ka howlgala".
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in wajiga labaad ee qorshahooda uu noqon doono sidii ay dowladda dhexe iyo caalamka ula kaashan lahaayeen caawinta agoonta dagaalyahannadii ONLF iyo dadkii ay dhibaatada kala duwan gaartay.
Dhinaca kale, qoysaska dadka dhimirka ka waxyeelloobay ayaa sheegay in dhibaatadu ay kaligood ku ekaatay.
Axmed Cabdiqaadir Xaaji Cali ayaa baxnaaninaya wiil uu adeer u yahay oo dhimirka ku beelay Jeel Ogaadeen
Qaar ka mid ah ehelka dhallinyaradaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dawladda iyo jabhaddu aysan midna xil iska saarin dhallinyaradii dhimirka ku beelay colaadaha.
"Jeel Ogaadeen buu ku xannuun saday dilkii iyo dhibkii ayuuna eersaday wiilkan aan adeerka u ahay," ayuu yiri Axmed Cabdiqaadir Xaaji Cali oo baxnaaninaya mid ka mid ah dhallinyarada ay saamaysay hardankii Jabhadda iyo dawladda.
Cumar ayaa caafimaad qabay ka hor intii aan xabsiga la dhigin "markii uu sannad xirnaa ayuu dhimirka ka xanuunsaday, balse ehelkiisa ayaa loo diiday iyadoo xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ay ku eedaysay in uu iska yeelyeelayo" Sida uu BBC-da u sheegay Axmed.
Xigashada Sawirka, HRW
Jeel Ogadeen
Dhibaatada wiilkan qabsatay waxaa intaas u dheer in waalidkiisii oo reer miyi ah uusan baxnaano ka helin.
Adeerkii Axmed oo arrintaas uga garaabaya bbc-da ayaa sheegay in waalidkii oo baadiyaha daggan ay ugu sii darsantay abaarta.
Baahida dadka dhimirka ka xanuunsan oo aad u badatay ayaa horseeday in la furo goobo cilaaj ah oo dadka lagu dabiibo.
"Dadkan xannuunsan waxaa laga kala keenay gobollada oo dhan, waxaana la isugu daraa quraan iyo dawada dhimirka" ayuu yiri Cabdinuur Wali oo madax ka ah xarun dadka dhimirka ka xannuunsan lagu dabiibo oo ku taalla magaalada Jigjiga.
"Dhakhtar dhimirka ku takhasusay ayaa noo joogo" ayuu intaas ku sii daray Cabdinuur."
Xarruntaas kali ah oo boqol ruux oo dhimirka la' dabiibaysa waxaa ku jira qaar ay colaaddu si toos ah u saamaysay oo rasaas ay ku taallo iyo kuwo kale oo si dadban ay u saamaysay.