Buug aysan jeclaysan doonin ragga Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Finland

Nimco Nuur

Sheekooyinka qoraalka buugaagtu waxay ka mid yihiin habka laysugu gudbiyo dhacdooyinka taariikhaha iyo madadaalooyinka kala duwan,bulsho walbana waxa ka soo dhex baxa qorayaal qalinkooda ku suuradeeya dhacdooyinka ku xeeran.

Goroob Iyo Godob Rageed waa buug xambaarsan sheekooyin ku qotama xaqiiqada,sida magacu ka turjumayo qoraa Nimco Maxamed Nuur waxay si qoto dheer ugu dheeraatay qisooyin xanuun badan oo ka dhacay dalka iyo dibadaba marka ay timaado nolosha qoyska Soomaaliyeed iyo daruufaha ku xeeran, dhaliisha u badan ayaa loo soo jeediyay qaar kamid ah Ragga Soomaalida.

''Magacaygu waa Nimco Nuur waxaan ku noolahay magaalada Espoo ee dalka Finland,waxaan qoray buuga baraha bulshada gilgilay,waxaan bilaabay sannadkii 2013 intaas waxaan ka fakarayay qisadan iyo sidii aan u miisaami lahaa sheekooyinka ku jira aniga oo sugayay sida ay wax isu badalaan ama waxa ku kordhi kara sheekooyinkan aan gacanta ku hayay,waxay igula muuqatay in la joogo waqtigii ku haboonayd ee lasoo bandhigi lahaa buugan,dad badan ayaa ka carooday buugan'' Sidaas waxaa BBC-da u sheegtay qoraaga buuga Goroob iyo Godob Rageed oo lagu soo badnhigay manta dalka Finland.

Xigashada Sawirka, Nimco Nuur

Qisooyinka Buuga oo kooban

Buugan wuxuu ka kooban yahay sheekooyin ama qisooyin laga soo xigtay dumar Soomaaliyeed,waxaan idiin soo koobi doonaa qaar kamid ah.

Asli- waa gabadh ku nool mid kamid ah wadamada Yurub,waa gabadh fariid ah oo fiffircoon iyada iyo ninkeedu waxay wada shaqeysanayeen ,waxay ahaayeen reer nolol fiican ku nool oo haysta hal canug,mudo kadib waxay go'aansanayaan in ninkeedu wadankii u safro si uu guryo ugu soo dhiso,mudo yar kadib ayaa ninkii reer-koodu ku qasbayaan inuu xaas kale guursado si uu u badiyo reerka,Asli ninkii way is furayaan waxayna baranaysaa balwado ilaa wiilkii ay dhashay uu xabsi galo,Cali wax badso ayuu ku fakarayay balse wax buu dayacay.

Cosob- jilaysaa hooyo caruur badan haysata oo qunyar socod ah oo aan inta badan ka warqabin magaalada ay ku nooshahay waxa ka socda,asxaab badan ma laha,ninkeedu wuxuu inta badan ku lumiyaa Masaajidka,mudo kadib ayuu guursnayaa xaas kale,kadib way is furayaan,Cosob waxay ku danbaynaysaa in Raggii danlayda ahaa kolba mid qudba siraysto.

Luul- waxay ku matalaysaa gabar baadiye ku kortay oo markii danbe timid Xamar halkaas oo ay isku barteen wiil reer magaal ah oo aqoon yahan ah,mudo kadib iyaga oo isqaba Yurub imaanaya,Luul waxay ilbaxnimadii ka gashay in ay Aroosyada ay taagnaato,dhabka iyo dharka kala badhaso,kadib ay wiilkii ku adkaato noloshii ay horseedo burbur,Luul waxaa logu sheekeeyaa in ay tahay gabarta ugu qurxoon deegaankaas,xitaa hadii la furo uu Reysulwasaaraha wadankaasi u soo shukaansi tagi doono,qisadan waxay muujinaysaa in dumarka qaar ay horseedaan burburka qoyska.

Buugaan Garoob iyo Godob Rag oo ah bug si wayn ugu baahay baraha bulshada ayaa dad badan oo u badan Rag ay ka fal celiyeen, maanta ayaa lagu soo bandhigay dalka Finland,waxaa ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan .