Carruurta Soomaalida Minnesota oo uu ku soo badanayo cudurka Autism-ka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Carruurta Soomaalida Gobolka Minnesota oo uu ku soo badanayo cudurka Autism-ka

Soomalida ku dhaqan Maraykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa cilmi baadhisyo dhawr ahi sheegeen in uu ku badan yahay cudurka Austism-ka.

Inkasta oo Soomaalida gobolkaa ku dhaqani arintaa dhibsadeen oo ka cadhoodeen, haddana dalka Maraykanka ayaa sannad walba bishan April u asteeyey in bulshada lagu wacyi geliyo sida loola tacaalo ubadka cudurkaasi uu ku dhaco iyo sida guud ahaan ba looga hortagi karo.

Siyaad Siciid Saalax ayaa warbixintan Minneapolis nooga soo diray.