Dhibka uu dhallinyarada Soomaalida baday shisheeye nacaybka Koonfur Afrika
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibka uu dhallinyarada Soomaalida baday shisheeye nacaybka Koonfur Afrika

Wixii ka horreeyay 2008, Koonfur Afrika waxa ay kumannaan Soomaali ah u aheyd dhul nabdoon oo ay u hayaamaan ka dib markii uu dalkooga hooyo uu ka qarxay dagaalkii sokeeye, sidaana ay ku burburtay dowladdii dhexe.

Hasayeeshee haatan xaaladdaasi waa ay isbadeshay oo waxaa Soomaalida fara kulul ku haya weerarrada ku dhisan ajaanib naceybka.

Inta badan Soomaalida ku nool dalkan Koonfur Afrika waxa ay halkan ku leeyihiin dukaamo yaryar oo ay ka dhex furtaan deegaannada ay dadka madowga ah u badan yihiin.

Hasayeeshee weerarrada ajaanib nacaybka ee indhawaale dalkan ka dhacayay ayaa waxa ay galaafteen nolosha Soomaali badan, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, basle sida uu ku soo warramaya weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, arrinta xusidda mudan ayaa ah in inta dhallinyarada halkaasi joogta ay ka go'an tahay in aanay meelna u dhaafin dalkaasi.