Baadigoobka "gabadha ugu gabayga wanaagsan ee sannadkan ee laanta af Soomaaliga ee BBC" ayaa furmay

Shukri Jaamac, oo sanad ka hor ku guuleysatay abaalmarintan ayaa sheegtay inay caan ka dhex-noqotay bulshada Soomaaliyeed
Image caption Shukri Jaamac, oo sanad ka hor ku guuleysatay abaalmarintan ayaa sheegtay inay caan ka dhex-noqotay bulshada Soomaaliyeed

Abaalmarinta laanta af Soomaaliga ee BBC ee hablaha gabya ayaa loogu talagalay dhiirragelinta gabdhaha Soomaaliyeed, waxayna gashay sanadkii saddexaad.

Abaalmarinta hablaha da'da yar ee gabyada ee laanta af Soomaaliga ee BBC ee sanadka 2019-ka, waxaa lagu baadigoobayaa gabayo af Soomaali ah oo asal ahaan ay u leeyihiin dadka soo gudbinaya, waxayna u furan tahay gabdhaha da'dooda u dhexeyso 16 illaa 35 sano.

Waxaad gabaygaaga ku soo gudbin kartaa tartanka.gabayga@bbc.co.uk ama bartan https://bbc.lvis.io/bbcsyfp/. Faafaahinta sida aad uga qeybgali karto iyo shuruudaha la iska rabo waxaad ka heli kartaa BBC News Somali bbcsomali.com

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo Gabaygii guusha ee sannadkii hore

Gabadha guuleysata iyo kuwa labada kaalin ee xiga soo galaa, waxaa looga dhawaaqi doonaa munaasabad lagu qaban doono magaalada Djibouti, ee caasimadda Jamhuiriyadda Djibouti, 18ka July 2019. Hablaha guuleysta waxaa la guddoonsiin doonaa abaalmarin lacag ah, gabayga ugu wanaagsanna waxaa lagu baahin doonaa raadiyaha laanta af Soomaaliga ee BBC iyo bbcsomali.com.

Image caption Cabdullahi Cabdi Sheekh, madaxa laanta af Soomaaliga ee BBC

Madaxa Laanta Af Soomaaliga ee BBC, Cabdullaahi Cabdi Sheekh, waxaa uu leeyahay: "Tan iyo markii aan bilownay abaalmarintan, waxaan aragnay gabdho badan oo Soomaaliyeed oo ku dhiirraday inay soo bandhigaan xirfadooda gabayada, taas oo ah sababta aan markii horeba u billawnay, in hablaha ay helaan madal ay ku soo bandhigi karaan xirfadooda iyo hal-abuurkooda."

Sannadihii la soo dhaafay, boqollaal dumar ah ayaa hal-abuurkooda soo gudbiyay oo ka soo qeyb-galay tartankan, gabdhaha horey ugu guuleystay waxay kala ahaayeen gabdho ku kala nool magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeisa. Labada gabay ee guuleystay, waxay diiradda saareen dhaqanka soo jireenka ee Soomaalida; Mid waxay muujisay agabkii dhaqanka ee Soomaalidii hore adeegsan jireen, tan kalena waxay sharaxday sida nolasha miyiga ay u waanagsaneyd.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rachael Akidi Okwir, waa madaxa luqadaha bariga Afrika ee BBC

Rachael Akidi Okwir, Madaxa luqadaha Bariga Afrika ee BBC ayaa tiri "Abaalmarintan waxay horey nooga caawisay soo saaridda codad dhif ah oo ah gabayo ay qaadeen gabdho ay da'dooda yartahay. BBC waxaa ka go'an inay xoojiso u adeegidda dhageystayaasheeda dumarka da'da yar ah, laanta af Soomaaligana waxay hormuud u tahay dadaalladaasi,"

Gabayada aad soo gudbineysaan waa inaysan ka badnaan 15 sadar oo qoraal ah amaba hal daqiiqo oo cod duuban ah. Soo gudbinta gabayada waxaa ugu dambeysa 15-ka June saacaddu markey tahay 23.59 GMT ee saq-dhexe.

Laanta af Soomaaliga ee BBC waxay ka tirsan tahay qeybta dunida la hadasha ee BBC.

Mowduucyada la xiriira