“Markaan guriga imid waxaan la kulmay seygayga oo iibinaya gaarigayga”

Ali iyo Dom Beaven Lahaanshaha sawirka Emma Leivers

Barnaamijka todobaadlaha ah ee The Boss ee BBC-da kabaxa ayaa soo bandhiga taariikhda hoggaamiyeyaal kala duwan oo ganacsiga heer ka gaaray.

Isbuucan ayaa waxa lagu soo qaatay Cali iyo Dom Beaven oo ah lammaanayaal wada jooga oo internert-ka ka hirgeliyey ganacsi ay ku iibinayaan hadiyadaha arooska.

Markii ay Beaven timid guriga ayaa waxa ay ka war heshay ninkeeda oo gaarigeeda aad u nadiifiyey.

"Way ii timid waxayna tiri aad ayaad ugu mahadsantahay inaad gaariga nadiifisay, anigana waxaan u sheegay inaan gaariga iibinayo", ayuu yiri Dom.

Markaas waxay ahayd 2011-kii, xilligaas oo lammaanahan ay isku diyaarinayeen inay bilaabaan shirkadooda Prezola.

Waxay ku maalgaliyeen 50,000 oo gini oo ahayd lacag kayd u ah, waxayna sidoo kale daymo ka qaateen asxaabta iyo qoysaskooda.

Balse Dom waxa uu sheegay inay lacagta ku yaraatay ayna u baahdeen inay iibiyaan gaariga.

Sanad kadib waxay sidoo kale iibiyeen gurigooda si ay u helaan kharash dheeraad ah.

Dadaalkoodi wey ka mira dhaliyeen, shirkadooduna maanta waa midda ugu caansan uguna horreysa ee dalka Ingiriiska ku iibisa hadiyadaha.

Markii ugu horreysay fikradda shirkada waxa ay ku dhalatay sanadkii 2008-dii.

Lahaanshaha sawirka Prezola

Lammaanahan ayaa kalsooni ku qabay fikraddooda, kadibna waxay hirgeliyeen Website ay dadka ka dalban karaan hadiyadaha ay doonayaan.

"Markii hore dhibaato ayaan kala kulannay, waxaan ka howl gali jirnay gurigayga, internet-ka oo kaliye ayaana wax ku iibin jirnay", ayey tidhi.

Lahaanshaha sawirka Emma Leivers

Dom waxa uu ku daray inay jiraan shirkado badan oo aanan email-lada dadka ka jawaabin, qaarna aysan tixgalinin macaamiishooda.

Lammaanaha ayaa macaamiishoda ku dhisay si kalsooni ku dheehantahay iyaga oo xayeysiinna u sameeyey ganacsigooda.

"Ganacsigooda 90% macaamiishooda waxay kaga yimaadaan dhanka internet-ka."

"Hadda tirada shirkadaha qorshaynaya aroosyada ama iibinaya alaabaha ayaa soo badanaya."

Lahaanshaha sawirka Daniel Pearce

Prezola waxa ka howlgala shaqaale ka badan 50 qof. Iyaga oo dibadda xitaa alaabahooda u dira ayaa hadana waxay rajaynayaan inay ku fidi doonan caalamka oo dhan.

Balse waa sidee in si wada jir ah ay lammaane uga howlgalaan shirkad?

"Aad ayaan u nasiib badannahay inaan kulanno mar walba, aniga ayaa hal abuurka ugu badan leh", ayey tidhi Beaven.

"Anigana dhanka lacagta iyo iibinta ayaan aad u qabtaa", ayuu yiri Dom.

Mowduucyada la xiriira