Guuldarradii shirkii Garoowe oo sii kala geeysay madaxda Galmudug

GALMUDUG

Maalin uun ka dib markii madaxweynaha Galmugud Axmad Ducaale Geelle (Xaaf) uu shaaciyay in "fashil" uu ku soo dhamaaday shirkii madaxda Soomaaliya uga socday Garoowe, ayaa waxaa hadda soo baxaya in madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa ay ku kala aragti duwan yihiin arrintii sababtay in miiska wadahadalka ee Garoowe lagu kala tago.

Sida uu sheegay madaxweynaha Galmudug, arrinta la isku mari wayay ee uu "masiibada" ku tilmaamay ayaa waxa ay ahayd arrinta Galmudug oo muddo dheer khilaaf ka jiray, gaar ahaanna maamulkaasi iyo dowladda federaalka oo arrimo dhawr ah ku kala aragti duwan.

Xaaf oo xalay BBC-da la hadlay ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in aysan dooneyn dhaqangelinta heshiiskii maamulkiisa uu la saxiixday maamulkii gobollada dhexe ee kooxda Ahlu Sunna.

"Arrinta aadka u dhibka badan oo runtii aad iyo aad, marka aad fiiriso u culus oo dhinac kastaa taabaneysa waa tan Galmudug," ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Muddo kordhin

Madaxweyne Xaaf waxa uu sheegay in heshiiskii Jabuuti ay labadani dhinac ku saxiixdeen ka dib muddo kordhin loo sameeyay maamulkiisa balse dowladda Federaalka ay arrintaasi diidan tahay.

"Markii la isku yimid, laba sano ayaa ka hartay tii hore, laba sano oo kale ayaan ku darnay, si ay dadkaan iyo ninkaan (Sheekh Shaakir) ay ma aragtay mas'uuliyaddooda ay gaar siiyaan….iyo baarlamaanka in la keeno iyo wasiirradii, si ay u wada shaqeeyaan, marka waxaanu siinay laba sano oo aan ugu darnay labadii sano ee hartay."

Maamulka madaxweyne Xaaf ayaa waxaa hareeyay khilaaf u dhaxeeya isaga oo dhinac ah iyo madaxweyne ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo dhinac kale ah, arrimahaasi oo uu inta badan ku eedeeyay dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Hase yeeshee dowladda Soomaaliya waxay iyaduna beenisay in wax faragelin ah ay ku hayso maamulkaasi iyo maamul goboleedyada kale ee dalka.

Madaxweyne Xaaf waxa uu ku doodayaa in muddo kordhintaasi tahay mid sharciga waafaqsan, sidaa awgeedna muddo xileedkiisa haatan ay ku egtahay sanadka 2021-ka.

"Dastuurrada Soomaalida oo dhan waxaa ku yaalla qofka xildhibaanka ah marka la dhaariyo wakhtigiisu waa afar sano, madaxweynaha marka la dhaariyo wakhtigiisu waa afar sano. Wax haba yaraatee ka dambeeya ma jirto," ayuu yiri.

"Annagu waxaan dhaqangelinay in marka labadii baarlamaan la isku daray, dastuurkii la ansixiyay, markii la ansixiyayna wakhtigii wuxuu dhammaanayaa 2021-ka. Sidii ayaan ku joognay, dowladda Federaalka iyada ayaa soo dhaweysay. Madaxweynaha ayaa Villa Soomaaliya ku ansixiyay oo waa lagu saxiixay. Dhuusamareeb baa la tagay, isku darkii madaxweynaha ayaa ka qeybgalay. Wixii saas ahaa oo dhan dowladda Federaalka waxay yirahdeen wax ka jira lama arka. Tii hore oo Cabdikiriin uu madaxda ka ahaa 2015-kii, taa uunbaa jirta. Dhibaatada halkaa ayay ka timid."

Madaxweyne Xaaf wareysigaasi BBC-da marna kuma uusan soo hadal qaadin khilaafka ka jira gudaha maamulkiisa, balse waxa uu eedda saarayay dowladda dhexe oo uu sheegay in ay dooneyso in heshiikii Jabuuti uusan fulin.

Hase yeeshee, khilaafkaasi ragaadiyay Galmudug ayaa mar kale soo ifbaxaya ka dib markii madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey uu shaaciyay in heshiiskaasi Ahlu Sunna ay la galeen uu gebi ahaanba ka dhaqangeli waayay khilaafka madaxda Galmudug.

Hadalkaasi ayaa u muuqda in dowladda dhexe uu ka beri yeelayo eedeymaha ah in iyada ay hortaagan tahay dhaqangalka heshiiskaasi.

"Heshiiskii aan heshiinnay annaga iyo Ahlu Sunna micnaheedu ma ahayn in si qaldan loo fuliyo. Markii aan heshiinnay oo lagu soo saxiixay Jabuuti oo madaxweynaha uu markhaatida ka noqday oo madaxtooyada lagu saxiixay ka bacdi, annaga madaxda ah waxaan isku khilaafnay habkii heshiiska loo fulin lahaa, heshiiskii oo dhanna wax ka fulay ma jirin," ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka jawaabayay hadalka madaxweyne Xaaf.

"Ilaa haddana, 14-kii qodob oo aan ku soo heshiinnay wax ka hirgalay haba yaraatee ma jirin. Baarlamaan la isku daray ayaan jirin oo aan heshiis ku ahayn, waxaan jirin dastuur la isku daray oo aan heshiis ku ahayn, waxaan jirin ciidamo la isku daray oo aan heshiis ku ahayn, haddana ma jirin wakhti ku qoran 14-kii qodob ee heshiiskii aan ku soo heshiinnay Jabuuti."

Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa yimid ka dib khilaaf muddo dheer soo jiitamayay, kaa oo ka soo billowday dhismaha Galmudg.

kooxda Ahlu sunna oo xilligaasi awood buuxda ku lahayd gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka biyo diiday dhismaha maamulkaasi.

Balse dhex-dhexaadin ay sameeyeen dowladda federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo dowladda Jabuuti ayaa dhammaadkii sanadkii 2017 waxaa heshiis dhawr qodob ka kooban laga gaaray khilaafkaasi.

Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay Cadaado uu sidiisa sii ahaado, balse lagu daro xil cusub oo ah gudoomiyaha golaha wasiirada. Xilkaas oo ahaa mid ku cusub siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan midda maamul goboleedyada ayaa waxaa qabtay madaxa Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxaase hadda muuqata in khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudgu uu halis heshiiskaasi oo qaab ahaan u hirgalay.

Lahaanshaha sawirka SONNA

Inkastoo madaxweyne Xaaf uu ku doodayo in wakhti badan uu uga dhiman yahay muddo xileedkiisa, haddana ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey Carabey oo BBC-da la hadlay ayaa sheegaya in madaxweynaha xilkiisa uu ku egyahay sanadkan 2019-ka.

"Sida sharciga ah marka laga hadlaayo, dowladda waxay leedahay muddo. Muddadaasina waxa waaye midda uu dastuurka sheegayo oo afar sano ah. Madaxweynaha markii uu tartanka galaayay, wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka, waxay soo saartay warqad ay ku caddeynayso in qofka ku guuleysta in muddada xilka ka dhiban uu qaadan doono xilka," ayuu yiri Carabey.

"Dastuurka Galmudug waxaa ku qoran, in wixii ka qaldama ama aan laga helin, dastuurka Federaalka Soomaaliya loo celinaayo. Dastuurka Federaalkana waa ay ku caddahay in wakhtiga qofka uu ku egyahay muddo xileedka uu dhameystiraayo….Dastuurka Galmudug wuxuu qorayaa in wakhtigu afar sano yahay ka billaabato 2015, kuna egyahay 2019-ka."

khilaafkan cusub ee u dhaxeeya madaxda maamul goboleedka Galmudug ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii sida la sheegay lagu heshiin waayay shirkii Garoowe uga socday madaxda dowladda federaalka oo uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada.

Billowgii khilaafka Galmudug

Madaxda Galmugud ayaa hadda ku kala maqan khilaaf soo billowday sanadkii hore, kaa oo sababay in xildhibaano ka tirsan baarlamanka Galmudug oo ku shiray magaalada Cadaado ay sheegaan in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Waxaa ka sii horreeyay, shir kale oo koox xildhibaanno ah ay ku sheegeen in xilkii ay ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo isagu shir guddoomiyay kulanka xildhibaannada sheegay in ay madaxweyne Xaaf xilka ka qaadeen.

Hasa yeeshee madaxwayne Xaaf iyo guddoomiye Casir, labaduba waa ay beeniyeen in xilka laga qaaday, waxaana mid kastaa uu sharcidarro ku tilmaamay xil ka qaadistiisa.

Maamulka Galmudug ayaa shalay shaacisay in shirkii Garoowe lagu heshiin waayay oo uu fashil ku soo dhammaaday, waxaana maamulkasi uu eedda inteeda badan saaray dowladda federaalka.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in arrimihii shirkaasi loo tagay ay ka socon waayeen madaxda dowladda dhexe oo uu sheegay in aysan rabin in heshiis la gaaro.

"Annaga laftayadu waxaa khilaafka iyo wixii jiraba in la dhammeeyo ayaanu diyaar u ahayn, laakiin nasiib darro, madaxweynaha iyo ra'iisalwasaaruhu, diyaar uma ahayn in ay cid la heshiiyaan ama la heshiiyo ama Soomaali wax noqoto," ayuu yiri Xaaf.

"Waxyaabaha ugu horreeya waxaa ka mid ah sharcigii doorashooyinka oo horey aan uga hadalnay Baydhabo, sharcigaasi marka laga hadlay, waxaa la ogolaaday oo kaliya in qof iyo cod doorasha ah laga qabto Soomaaliya. Laakiin sida doorashada loo sameynayo ama wakhtiga midna lagama hadlin. Arrintaasi waxay ahayd arrin madlan oo ahayd inta shir la isugu yimaado in laga wada hadlo. Arrintii iyadoo dowlad goboleedyadii cidna arag wixii ay rabaan, ayay geeyeen baarlamaanka," ayuu sii raaciyay madaxweyne Xaaf.

Waxyaabaha lagu heshiin waayay

Hase yeeshee, waxa ay u muuqataa madaxda Galmudug in asyan isku meel u socon oo ay siyaasad ahaan aad u kala fog yihiin.

Marka laga soo tago arrinta Galmudug, waxyaabaha kale ee lagu heshiin waayay shirka Garoowe waxaa ka mid ah, arrimaha sharciga doorashada, kan batroolka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo dowadda dhexe ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso arrimahooda gudaha, gaar ahaan Jubbaland iyo Galmudug.

Shirkaasi Garoowe ayaa dhawaan waxaa ku baaqay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, xilli uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay waddamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Deni ayaa xilligaasi sheegay in khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu halis ku yahay mustaqbalka dalka.

Inkastoo war rasmi ah aanan wali laga soo saarin shirkaasi, haddana waxaa Garoowe isaga tagay madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubbaland, taa oo ka dhigan in khilaafka madaxda Soomaaliya uu u muuqdo mid aad uga qoto dheer sida la moodaya.