Muxuu calanka Soomaaliya u kulansaday jaceyl iyo naceyb xad-dhaaf ah?

JIGJIGA

Baraha Bulshada ayaa si wayn looga hadal hayaa xarigga nin dhallinyaro ah oo lagu xiray magaalada Hargeysa ka dib markii uu xirtay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya ee buluugga ah.

Ciidammada booliska ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ninkaasi qabtay xilli uu ku xaragoonayay bartamaha magaalada Hargeysa.

Ninka la xirey oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cali "Aar", ayaa weli ku jira xabsi, inkasta oo laamaha amniga aysan ka hadlin xilliga ay maxkamad u gudbinayaan.

Dastuurka Somaliland kuma qorna in ay dembi tahay ciddii xirata dhar laga sameeyay calanka buluugga ah ee xiddigta dhexda ay uga taallo. Sidoo kale, madaxda Somaliland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dembiga lagu oogi karo ninkaasi la xiray.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dharka lagu xardhay midabka calanka Soomaaliya oo Jigajiga qaali ka noqday

Iyadoo dhanka Somaliland ay jiraan dad loo xiray gabayo ay midnimada ku taageereen iyo dharka calanka buluugga ah oo ay xirteen, haddana dhanka Muqdisho waxaa jiro dad badan oo u ololeeya Somaliland ama ku lebista calanka Somaliland oo aan la xirin, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala.

Balse waxaa jiro dad taageersan tallaabada booliska kana soo horjeeda waxa uu sameeyay ninka dhallinta yar.

Laakiin dhallinyarada qaar ayaa uga falceliyay hab kaftan leh sida ninkan:

Jigjiga ayaa laga "jeclaaday"

Tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaa magaalada jigjiga ku soo badanayay waxyaabo badan oo dowladdii hore ay dadka deegaanka ka mamnuucday.

Waxyaabaha mamnuuca ahaa ayaa waxaa ka mid ah astaanta calanka Soomaaliya oo haatan aad looga xiiseeyo gudaha magaalooyinka sida Jigjiga oo kale.

Dharka lagu xardhay calanka Soomaaliya gaar ahaan duruucda ay xirtaan dumarka ayaa haatan gudaha magaaladaasi Jigjiga aad uga qiimo badan dharka kale.

"Diraca baatiga ama shiidka ah waxaan ku gadnaa 120 bir oo lacagta Itoobiya ah, balse marka lagu xardho calanka Soomaaliya waxaan ku gadnaa 300 oo bir." Ayay tiri Salma Yuusuf Ismaaciil.

Salma oo BBC-da kula hadashay magaalada Jigjiga ayaa sheegtay inay xukuumaddii hore aysan ogolaan jirin in Jigjiga lagu xirto calanka Soomaaliya, "isla markaasna ay ku taami jireen in ay arrintaasi mar uun u suuragasho."

Diracyada iyo go'yaasha calanka Soomaaliya lagu xardhay ayaa gabaabsi ku ah Jigjiga.

Ra'iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa horay u sheegay in ay dadku aragtidooda oo xor ah dhiiban karaan iyaga oo u maraya wadooyiin nabad ah.

Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka gobolka Waqoyi Bari ee Kenya sida Gaarisa ayaa caadi looga xirtaa calanka Soomaaliya dareen la'aan, sababtuna waa in aysan dawladdu mamnuucin, dadkuna ay xor u yihiin wixii ay cawrada ku asturanayaan.

Calanka Soomaaliya oo kali ah Jigjiga ma tagin ee waxaa iska xaadiriyay dad aan la gabanin in ay aaminsan yihiin midnimada Soomaalida sida Naciima Abwaan qorane.

Mowduucyada la xiriira