'Shacabka magaalo Soomaaliyeed oo diidan in la badbaadiyo'

Buundada Mustaxiil
Image caption Buundada Mustaxiil

Webiga Shabeelle ayaa sannad walba marka roobabka Gu'gu curtaan waxa uu ku fatahaa degmada Mustaxiil ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Waxaana haatan oo roobabkii curteen la saadaalinayaa in webigu ku fatihi doono degmadaas oo ay halis geli karto nolosha dadka halkaasi ku nool.

Magaalo kale oo loo bixiyey Mustaqiim ayaa laga dhisay meel ka durugsan webiga halkaas oo qorshuhu yahay in dadka ku nool Mustaxiil loo raro si aan mar dambe fatahaaduhu nolosha dadka halis u gelin.

Gudoomiyaha ku xigeenka degamada Mustaxiil Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, ayaa BBC u sheegay in ay wadaan diyaar garow lagaga gaashaamanayo masiibo dhici karta.

Mr Cabdiraxmaan ayaa sheegay in casharro laga bartay faratahaadihii hore ay muujinayaan halis jirta.

" Waaya aragnnimo badan ayaa laga qaaday biyaha soo noqnoqonaya oo ah wabiga marka uu karkaarka jabsado uu khasaro badan gaysanayo",,ayuu yiri Mr Cabdi Raxmaan.

Image caption Gudoomiyaha ku xigeenka degamadaasi Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen,
  1. Halkee ku dambeyeen siyaasiyiintii lagu xiray JigJiga?
  2. Jabhadda ONLF oo 20 sano kaddib gaartay Jigjiga
  3. Wiilkii badbaadiyay gudoomiyaha ONLF oo hadda dib ula kulmay

Maxay tahay magaalada cusub ee Mustaqiim?

Gudoomiyaha ku xigeenka degamadaasi Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Waxa uu sidoo kale ka hadlay halka uu marayo mashruucii dhismaha magaalada Cusub ee Mustaqiim.

Magaaladan ayaa loogu talagalay in loo raro dadka degan degmada Mustaxiil si looga maagto musiibo ka dhalata roobabka mahiigaan ah iyo fatahaadaha.

Mr Cabdiraxmaan ayaa sheegay in qorshaha dhismaha magaalada Mustaqiim uu imika marayo meel wanaagsan.

Waxa uu intaa ku daray in magaalada cusub laga hirgaliyay mashaariic si dadka la dajinayo ay u helaan adeegyada loo bahan yahay.

"Dhismayaal badan ayaa ka socda xitaa dhismayaashii magaalada ee mashaariicda degmada halkaasi ayaan galinay ",ayuu yiri Mr Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha ku xigeenka degamadaasi Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen,ayaa xusay in dhowr mashruuc imika laga hirgaliyay magaalada cusub sida biyo galin.

" Mashaariicdii ayaan halkaa galinay hadey noqoto biya galinta wakaaladda,xafiiskii maamulka,xafiiska maaliyada,wixii awood ah ee ay miisaaniyadeena gaari kartay halkaas ayaan galinay ilaa saddex iskuul ayaan ka dhisnay,ayuu inta ku daray " ayuu intaa ku daray.

Maxay shacabka uga cagajiidayaan Mustaqiim?

Inkastoo magaalada cusub ee Mustaqiim mudda dheer la hirgaliyay haddana waxaa aad u yar dadka degay magaalada.

Qaar ka mid ah dadka magaalada Mustaxiil oo muddo dheer u soo joogay halista fatahaadaha ka dhasha ayaa qiray in ay jirto khatar magaalada ku soo wajahan.

" Waxaan ka cabsanaynaa biyo,meel kasta oo biya xireen ah waa faaruq oo biyaha sida ay u soo galaan ba magaalada halis ayay ku jirtaa ".ayuu yiri Salaad Cabdulahi Sabriye.

Waxa ay sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka Mustaxiil sheegeen in sababta ay ugu wareegi la'yihiin magaalada cusub ee Mustaqiim ay tahay biyo galinta oo aan wali dhameystirnayn.

Cali Xasan Nuur oo isna ka mid ah dada deegaanka Mustaxiil ayaa sheegay in meesha biya ugu dhaw magaalada Cusub ee Mustaqiim ay u jirto 10 kiilo mitir.

" Waa laga guuri lahaa oo meeshii dambe ee Mustaqiim loo bixiyay ayaan degi lahayn laakiin dhibaato ayaa jirta oo wax biya galin ah ma jiro biyahana way ka fogyihiin dhibaatadaas awgeed ayaan loogu guuri Karin oo shacabka dhibaatadaas ayaa haysata "ayuu yiri Cali.

Degmada Mustaxiil ayaa inta badan marka ay fatahaadaha dhacaan waxaa ay noqotaa mid go'doonsan oo aan diyaar mooyee aysan gawaarida soo gali Karin.

Mowduucyada la xiriira