TRT: Maxay tahay ballantii aan la fulin ee SYL?

SYL Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption SYL

In ka badan 70 sano ka hor markii la asaasay ururkii dhallinyarada Soomaaliya (SYL ), waxaa diyaar ahaa jiil cusub oo sutiga u qabtaY isbdalka dalka.

Maanta, 76 sano ka dib markii la asaasay ururkii dhalinyarada ee SYL 15kii bishii May, 1943, waxa jira dhibaatooyin badan oo dhallinta iyo Soomaaliyaba haysta.

Maalinkan waa maalin la xusuusto halyeeyadi naftooda u soo huray xorriyadii Soomaaliya islamarkaana aan la hilmaamin in wax qiimo badan ay naftooda u hureen.

Maalintan waxay sidoo kale fursad u tahay in dib loo milicsado doorkii hoggaamineed ee ay dhalinyarada ka qaateen xorriyadii Soomaaliya.

Dhalinyarada ayaa udub dhaxaad u ahaa halgankii iyo xorriyaddii ay gumaystaha ka qaateen dalalkii Afrika ee ay Soomalaiya ka mid tahay sanaddii 1960.

Markii ay Taliyaaniga xorriyadda siiyeen Soomaaliya waxay awoodda ku wareejiyeen ururkii SYL oo dhallinyrada ay horkacayeen.

Haddii aan dib u milicsano xorriyaddii oo imika laga joogo 55 sano iyo ka badan ayaa waxaa adag in la dareemo farxaddii iyo iyo kalsoonidii uu ku socday halgankii xorriyad doonka Soomaaliya iyo guud ahaan qeybo ka mid ah qaarada Afrika.

Marka hore waa in aan qirnaa soomaaliya si la mid ah wadamo kale ee Afrika, in ay soo wajaheen dhibaatooyiin gudaha iyo dibadda ah tan iyo xorriyaddii.

  1. Wararkii ugu waaweynaa ee ay BBC-du tebisay lixdankii sano ee la soo dhaafay
  2. Maxaa la ogolyahay maxaase mamnuuca ah marka loo dabaaldagayo gool dhashay?
  3. Muran ka dhashay go'aan ay Masar jasiirado ugu wareejin rabtay Sucuudiga

Waxa ay maxbuus u noqotay taariikhdeedii hore, iyadoo mar walba dib loo soo celinayo waxyaabihii tagay.

Arrintan waxay sababtay shaki soo kala dhexgala dhinacyada badan ee ay qusayso taasi oo sababtay in bulshada Soomaaliya ay u kala go'aan gobollo.

Balse waxaa xusid mudan in dhalinyarada Soomaaliya, guud ahaan dalka ay wajahayaan dhibaatadan oo kale.

Cuduro, amaan daro, xagjirnimo, burcadbadeed iyo saboolnnimada ayaa ah cadowga aan kala soocayn oo aanan eegayn gobol, qabiil iyo jinsiyad midna.

30 sano ee ugu dambaysay, gaar ahaan Soomaaliya waxay u ahayd mid adag oo wuxuu wadanka la daalaa dhacayay dagaal sokeeye, qabqablayaal iyo xagjirnnimo.

Balse dhalinyarada Soomaaliya waxay muujiyeen awoodooda ay uga gudbi karaan caqabadaha.

Waxa ay dhalinyarada noqdeen kuwa u adkaysta islamarkana isku kalsoon taasi oo ay ka mid tahay in ay diyaar u yihiin in ay qiimeeyaan xaaladda ayna ka baaraandegaan qaab ay uga bixi karaan.

Xilligan dhalinyarada ayaa ah kuwa ka faaidaystay tiknoolajiyadda casriga ah gaar ahaan taleefoonada oo fursad u siiyay Baraha bulshada ayna galaangal ku yeeshaan isbadalada siyaasada.

Mowduucyada la xiriira