Reer Somaliland maka midaysan yihiin xuska 18-ka May?

,
Image caption ,

Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Shirar ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go'aanka gooni isu taagga ah.

"Dadka wax garadka ah ee wajiga u ah bulshada ayaa go'aan kaas gaaray" ayuu yidhi Sheekh Cabdullaah Sheekh Cali Jawhar oo kamid ahaa dadkii shirkaas qaybta ka ahaa.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa si joogta ah munaasabadda 18-ka May looga xusayey qaybo badan oo kamid ah Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Waxaase jira su'aalo dhowr ah oo ku aaddan in xuska munaasabadda 18-ka May ay tahay munaasabad wadajir looga xuso deegaanadii ku midoobay Somaliland iyo in ay jiraan xeerar dastuuri ah oo lagu qaado ciddii kasoo horjeensata xuska maalintaas oo ku astaysan markii Somaliland ay si iskeedka madax bananida ugu dhawaaqday?

Inta aanan eegin su'aalahaas iyo jawaabaha dadka wax falanqeeya ay ka bixinayaan, waxaa toddobaadkan magaalada Hargaysa lagu xidhay xildhibaan kamid ah baarlamaanka Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Dhakool.

Lahaanshaha sawirka Facebook
Image caption Xildhibaan Dhakool ayaa lagu xidhay magaalada Hargaysa

Xildhibaan Dhakool ayaa xadhigiisa kahor ka hadlay xuska maalmaha 26-ka June iyo 18-ka May waxa uuna yidhi "Waa run 26-ka June iyo 18-ka May dadku siyaabo kala duwan ayay isugu khaldaan, maalintii xornimadu waxay ahayd 26-ka June, Somaliland iyo Soomaaliba maalin taariikh u leh bay ahayd mana ahan mid la isku khilaafsan yahay, balse 18-ka May maalin gobonimo maahan, waa maalin beeshii SNM ay dareen ayadu leedahay ay ku cabbirayso".

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa intaas ku daray in xuska 18-ka May aysan ahayn maalin taariikh u leh Somaliland iyo Soomaalida kale toona.

Hadalkiisa kadib ayaa booliiska Somaliland waxay 10-kii habeenimo xabsiga dhigeen xildhibaanka oo ay sheegeen in uu ku xad gudbay midnimada Somaliland.

Taliye ku xigeenka booliiska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ka hadlay sababta loo xidhay xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaan Dhakool ay booliisku xidheen oo uu ku kacay falal "lid ku ah qaranimada Somaliland" asagoo sheegay in qabashadiisana loo cuskaday xeerer dastuuri ah".

Si kastaba ha ahaatee xildhibaan Dhakool ayaa Sabtidii shalay ahayd la horkeenay maxkamadda darada koowaad ee Hargaysa, ayadoo ay maxkamaddu diidday in ay qaaddo dacwadda loo haysto.

Maxkamadda ayaana sheegtay in marka hore ay tahay in xasaanadda xildhibaannimo laga qaado haddiiba la maxkamadaynayo.

Xildhibaan Dhakool ayaa wali ku xidhan magaalada Hargaysa, ayadoo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax-na uu xadhiga xildhibaanka ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Image caption ,

18-ka May ma laga wada xusaa gobollada Somaliland?

Xuska 18-ka May ayaa soo maray heerar kala duwan, waxaana jirtay mar Hargaysa oo kaliya laga xusi jiray.

Balse dadka wax falanqeeya ayaa qaba in ay jiraan gobollo iyo degmooyin katirsan Somaliland oo aan looga dabbaal dagin maalintaas ay Somaliland sheegtay in ay Soomaaliya inteeda kale gooni isaga taagaty.

Qaybo kamid ah gobollada Sool, Sanaag iyo degmada buuhoodle ayaa kamid ah meelaha aan looga dabbaal dagin xuska 18-ka May.

Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan ku murma maamulka gobollada Sool iyo Sanaag ayadoo halkaas ay dagaallo ku dhex mareen.

Axmed Xuseen Xasan oo ka faallooda arrimaha gobolka oo aan wax ka waydiinnay sababta deegaanadaas aan looga xusin munaasabaddaas ayadoo beelaha halkaas daga ay kamid ahaayeen dadkii wax ka yagleelay Somaliland, ayaa aamminsan in dadka gobolladaas daga ay u arkaan in aanay wax ku lahayn talada Somaliland.

''Waa run way jiraan gobollo Somaliland ah oo aan laga xusin 18-ka May, sida Buuhoodle, Laascaanood iyo qayb kamid ah gobolka Sanaag aad loogama xuso, sababta aan loo xusinna waa dadka gobolladaas daggan oo u arka in aanay wax ku lahayn talada Somaliland" ayuu yidhi Axmed Xuseen Xasan.

Axmed Xuseen ayaa intaas ku daray in cabashadaasi ay jirto waloow la sheego in loo dhammaa markii lagu dhawaaqay gooni u isu taagga Somaliland oo aanay jirin cid si fiican ilaa iyo hadda uga wada hadashay.

Axmed ayaa sidoo kale sheegay in aanu jirin xeer dastuuri ah oo lagu qaado ciddii kasoo hor jeensata xuska 18-ka May.

Xuska 18 May iyo 26-ka June

Image caption ,

Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa sanadkii 1960-kii madax banaani ka qaatay gummaystihii Ingiriiska, halka 1 July 1960kii ay gobolloda koonfureed ee Soomaaliya ay madax banaani ka qaateen gumaystihii Talyaaniga.

Labadaan maalmood ayaa ahaa kuwo si wayn loo xusi jiray wixii ka horreeyey burburkii Somaliya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in 26-ka June aan looga xusin Somaliland si lamid ah sida 18-ka May.

'26-kii June waxay ahayd maalin wayn oo laga xoroobay gummaysigii saanta caddaa ee 80-ka sanadood Somaliland haystay, waa maalintii calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed hase ahaatee waxaad mooddaa in maalintaas ay qarisay maalinta kale 18-ka May, waxayse ahayd in mid waliba miisaankeeda iyo muggeeda la siiyo' ayuu yidhi Axmed Xuseen Xasan oo ka faallooda arrimaha gobolka.

Mowduucyada la xiriira