Qashin sababay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya dalal

Canada iyo Philippines ayaa ku muransan qashin Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Canada iyo Philippines ayaa ku muransan qashin

Waxaa sii xoogeystay xiisad salka ku heysa qashin qub oo u dhaxeysa labada waddan ee Canada iyo Philippines, waxaana dowladda Philippines ay u yeeratay safiirkeeda u jooga Canada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Philippines ayaa sheegtay in Canada ay ku guul darreysatay inay waafaqdo waqtigii loo qabtay inay ku celiso qashin ay dalkooda ku soo daadisay sannadkii 2014-kii.

Waqtiga Canada loo qabtay ayaa ku ekaa 15-ka bishan May, oo hadda ay hal maalin kasoo wareegtay.

Bishii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Philippines Rodrigo Duterte sheegay inuu "qashinkaas dib ugu celin doono Canada, si halkaas loogu daadiyo".

Wararka ayaa sheegaya in qashinkan oo ka buuxa konteenarro uu u badan yahay wasakhda caadiga ah ee guryaha, sida xafaayadaha laga baddalo carruurta.

"Xalay saqdii dhexe ayaa la diray warqadaha aan ugu yeeraneyno safiirkeenna iyo qunsullada noo jooga Canada", sidaas waxaa bartiisa Twitter-ka ku yidhi xog hayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Philippines Teddy Locsin Jr.

"Canada way ka gudubtay waqtigii loo qabtay. Annaguna waxaan hakad galinay howlihii diblomaasiyadeed ee aan la lahayn, ilaa inta ay qashinkooda naga qaadayaan".

Mr Locsin ayaa intaas ku daray in go'aankan ay qaateen kadib markii saraakiisha Canada ay kasoo qeyb gali waayeen shir ay ku ballansanaayeen.

Safaaradda Canada ee magaalada Manila ayaa BBC-da u sheegtay inay "horayba u ballan qaadeen dib u celinta qashinka Canada", ayna kala shaqeynayaan mas'uuliyiinta Philippines "sidii loo xaqiijin lahaa in maraakiib lagu qaado qashinkaas sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan".

Sidee ayey xiisaddu u xoogeysatay?

Mas'uuliyiinta Philippines ayaa markii ugu horreysay qeylo dhaanta ku saabsan qashinka u gudbiyay Canada sanadkii 2014-kii, kadib markii ay arkeen konteenarro qashin ka buuxo oo maraakiib halkaas lagu geeyay intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2014-kii.

Xukuumadda Manila ayaa ayaa sheegtay in konteenarradaas laga soo dajiyay dakadda caalamiga ah ee caasimadda, iyadoo si khaldan loogu tilmaamayay inay yihiin caagag dib loo warshadeynayo, laakiin xaqiiqdii ay ahaayeen qashin kumannaan tan ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption "Canada dib u cesho qashinkaaga"

Kormeer lagu sameeyay sanadkii 2015-kii ayaa lagu ogaaday in qashinka noociisu uu u badan yahay midka guryaha laga soo xaaqo iyo kan waddooyinka lagu tuuro.

Qaar ka mid ah konteenarrada ayaa wali yaalla dakadda, halka kuwo kalena lagu daadiyay dhul baaxad leh oo loogu talo galay qashin qubka.

Sanadkii 2016-kii, maxkamad uu fadhigeedu yahay Philippines ayaa soo saartay xukun ay ku amartay in qashinka dib loogu celiyo Canada, iyadoo kharashkana laga doonayo dadkii markii horeba keenay.

Isla sannadkaas ayey dowladda Canada isbaddal ku sameysay sharcigeeda ku saabsan dhoofinta qashinka, si aysan arrintan oo kale mar labaad usoo noqonin.

Horaantii bishii lasoo dhaafay, Mr Duterte ayaa dhaliil culus u jeediyay Canada, isagoo sheegay in waddankiisa ay ka dhigeen "meel qashin qub ah".

Mowduucyada la xiriira