Nooc ka mid ah xoolaha ay Soomaalida dhaqato oo u adkeysta isbedelka cimilada adduunka

Caanaha geela ayaa wax badan ka tara nafaqo darrada Lahaanshaha sawirka Google
Image caption Caanaha geela ayaa wax badan ka tara nafaqo darrada

Marka uu waagu dillaaco, Saalax Cabdinuur Isaaq oo ku nool saxaraha bacaadka leh ee Kenya wuxuu dhameystaa salaadda subax, wuxuuna saacadaha ka harsan maalinta oo dhan ilaa ay qorraxda ka dhacdo la joogaa saaxiibadiisa ay aadka isugu dhow yihiin, oo ah geeliisa.

Isaaq, oo hadda garkiisa caddaaday marsada cillaan, waxa uu xoolaha dhaqi jiray ilaa markii uu 7 jir ahaa, wuxuuna dareemayaa in xoolaha ay wax weyn u taraan bulshadiisa reer miyiga ah ee ku nool deegaanka Hadhaadho oo ka tirsan ismaamulka Wajeer ee waqooyi-bari, Kenya.

"Ma seexan karo haddii aanan iyaga la joogin", ayuu Isaaq ku yidhi wareysi uu siiyay hay'adda samafalka ee Thomson Reuters Foundation.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Shirkaddo ka ganacsado Geela manaafacaadkiisa kala duwan oo Hargaysa laga hirgaliyay

Laakiin geela, oo ka mid ah xoolaha ay sida weyn u dhaqato Soomaalida, waxa uu caddeeyay inuu u adkeysan karo isbaddalka cimilada adduunka, xilli hadda dalalka geeska Afrika ay gaarto saameynta ugu weyn ee diirrimaadka cimilada.

Meelaha qaar heer kulkooda celceliska ah ayaa ka sarreeya 30 digrii inta badan sannadka.

Caanaha geela ayey khubarada dhinaca cuntada ku tilmaamaan inay yihiin "dahab cad", waxayna sheegaan in ay wax weyn ka taraan ka hor tagidda nafaqo darrada iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha abaaraha.

"Haddii ay biyo la'aan jirto, geelu wuxuu noolaan karaa muddo bil ah, isagoo aan biyo cabin. Xitaa marka uu geelu ooman yahay caanihiisu ma gudhaan, oo wali waa lasii lisan karaa, ma jiro wax lagu doorsan karo geela", waxaa sidaas yidhi Isaaq oo lacagta uu caanaha geeliisa ku gado ku biisha qoyskiisa.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhageyso: Masiixiyiinta caba caanaha geela

Hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa ka digaya in isbaddalka cimilada uu halis sii kordheysa ku yahay Kenya, uuna abaaro iyo musiibooyin bani'aadannimo ka abuurayo guud ahaan qaaradda Afrika.

Tirada dadka ku sugan Kenya ee gargaarka raashinka u baahan ayaa sare u kacday oo gaartay 70%, waxaana ku korortay 1.1 malyan oo qof tan iyo bishii Agoosto ee sannadkii 2018-kii.

Dowladda ayaa sheegtay in xaaladdu ay sii xumaatay markii ay di'i waayeen roobabkii la filayay.

Inta badan dadkii xoolo dhaqatada ahaa ayaa abaarta awgeed ku waayay xoolahooda, maadaama ay u helo kari waayeen biyo iyo baad toona.

Sanadkii 2017-kii, Kenya waxay ku dhawaaqday in abaaraha ay yihiin musiibo qaran, horaantii sanadkanna waxay ku dhawaaqday inay lacag dhan 2 bilyan oo shilin, oo u dhiganta $20 malyan oo doolar u qoondeysay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay abaarta.

Mowduucyada la xiriira