Soomaali 81 jir ah oo cuntooyinka afurka ku iibiyo Hargeysa

Cabdullaahi Cumar Samatar, waxaa uu ka shekeynaya isbaddalada soonka soomaalida qarnigan
Image caption Cabdullaahi Cumar Samatar, waxaa uu ka shekeynaya isbaddalada soonka soomaalida qarnigan

Inuu qofka shaqeysto oo uu cuno wixii uu muruqiisa kula soo baxay ayaa ah sharaf, waxaase jira xilli qofka uu howlgab noqdo.

Arrintaasi dadka qaar kama hor istaagto inay weli sii shaqeystaan, sida Cumar Cabdullaahi Samatar oo ah 81 jir ah oo ku nool magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, halkaas oo uu ku heysto meherad yar oo xilligan aynu ku jirno bisha barakaysan ee Ramadaan uu ku diyaariyo af-furka ay dadku cunaan.

Cumar Cabdullaahi ayaa BBC uga warramay cunnoyinkii waagii hore ay Soomaalida ku soomi jirtay ama ku af-furi jirtay oo uu ku sheegay inay ka nafaqo badnaayeen cuntooyiinka maanta dadka ay isticmaalaan.

"Berigii hore, waxaa uu dadku ku noolaa amaba uu cuni jiray cad iyo caano. dalagga la beerto sida haruurka" ayuu yiri Cumar Samatar.

Iyadoo nolosha miyiga iyo midda magaalada uu farqi weyn u dhexeeya, waxaa uu u sheegay in dadka reer miyiga ay ku nool yihiin nolol adag gaar ahaan marka ay timaaddo xilligga af-furka.

Waxaana kala duwana wakhtiyadii la af-furi jiray waaggi hore ee Soomaalida iyo xilligan casriga ah.

"Dadka xoolo dhaqatada ayaa badnaa, saacadna ma aanay heysan, inta badan waxay eegi jireen xaadda dhudhunkoodu ku taalla marka ay sidaa u eegaan ay arki waayaan ayay cabi jireen haddii ay biyo heystaan iyaga oo aanan sidan waxey ku afuraanba", ayuu yiri Cumar Samatar oo u warramay weriyaha BBC, Cabdullaahi Jaamac.

Howsha uu qabto Cumar

Cumar waxaa uu gudaha magaalada Hargeysa ku leeyahay mehrad yar oo uu ku iibiyo cunnooyinka lagu af-furo bishan Ramadaan, waxaana marka la gaaro xilligga af-furka goobtiisa buux dhaafiya dad badan oo doonaya in ay afuraan. Waa nin odey ah, haddana waxaa uu sameystay fikrad ganacsi si uu u maareeyo noloshiisa.

"Halkan waxaan ku diyaariyaa timirta, sambuuska, Liinta iyo wixii kale ee aan heli karo. Dadkaas barakeysan ee kheyrka qabo ee sooman ayaa iga iibsadaa, Alxamdulilaah aniga waan ku noolahay", ayuu yiri Cumar Cabdullaahi.

Waxaa gabaabsi ku yimid qudaartii iyo dalaggii laga soo saari jiray dhulka soomaalida aabaraha jira darteed, waxaana inta badan laga keenaa dalalka dibadda, sida uu qabo Cabdullaahi.

Cumar waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in dadka ay si weyn u qaddariyaan maadama uu yahay nin waayeel ah.

Sababta ku kalliftay inuu bilaabo ganacsiga waxaa uu ku sheegay inuu ka cararay dawarsiga ama inuu dad wax weydisto.

"Waxa igu kalifay in aan ganacsado oo aan shaqeeysto; in aan gidaar fadhiisto diiday oo aan iraahdo inkaar ku qabihii ayaa wax i siin waayay. Qofku waa inuu shaqeeyaa inta uu dhaqaaqi karayo", ayuu yiri Cumar.

Ninkan ayaa sheegay in aanay jirin baahi la tilmaami karo oo ku kaliftay in uu da'daas ku shaqeeyo, hasayeeshee waxaa uu doorbiday inuu cuno wax uu isagu xoogsaday si u maareeyo nolosha qoyskiisa.

Waxaa uu ku dhiirageliyay dadka da'diisa ah ee soomaaliyeed inay dhaqdhaqaaq horumarineed sameeyaan si ay u gaaraan isku filnaan dhanka nolosha ah.

Mowduucyada la xiriira