Ma dooneysaa inaad imtixaanaadka guul ka gaadho?

Laba arday oo wada akhrisanayso Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Marweliba diyaar ahaaw!

Ma la kulantaa imtixaanaad isdaba joog ah ? haddaba waxaad u baahan tahay inaad raacdo habka ugu wanaagsan ee aad guul uga gaari kartid.

Inaad wixi aad soo baratay oo aad muraajaco ku sameyso wey adag tahay iyada oo mararka qaar ay dhacdo inuu qofku uu garan waayo halka uu ka bilaabayo.

Haddaba si aad kor ugu qaaddo awoodda xifdiga aad u leedahay waxaan si weyn wax uga beddeli kartaa niyadda aad ku akhrisaneysid, wixi aad akhrisatay sida aad u xusuusaneysid iyo habka aad u akhrisaneysid intaba.

Waxaa meel la isugu keenay khubaro daraasaadka badan arrimahan ku sameeysay takhasuskoodana uu isugu jiro saaynisyahannada dhinaca Neerfaha, Cilmu nafsiga iyo Khubarada cunnooyinka ku takhasusay.

waxaa sida oo kale kooxda khubarada ah ee meesha la isugu keenay ka mid ahaa macallimiin jaamacadeed iyo arday waxayna soo jeediyeen talooyin dhawr ah oo waxtar u leh ardayga.

Haddaba qodobbada ay khubarada soo jeediyeen kuwooda ugu muhiimsan hoos ka akhriso.

1. Qureecda iyo cunnooyinka maskaxda

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Cuntooyinka maskaxda ka caawiyo xifdinta waa kuwa ay ku badan yihiin fitaaminnada iyo macdinta kale

Jidhkeenna si waajibaadkiisa uu sidi la rabay uu ugu guto waxaa loo baahan yahay in ahmiyadda la saaro cuntooyinka nafaqada leh ee dabiiciga ah.

Daraasadda ayaa waxay tilmaameysaa dadka gaar ahaanna ardayda cunnooyinka wanaagsan ku qureecdo iney ku wanaagsan yihiin xagga imtixaanaadka maadaamaa ay qureecda awood u siineyso inuu xusuusto wixi uu soo akhriyo xilliga uu imtixaanka iisu diyaarinayey.

Sidaa darteed,waa inaad maalinka aad ku billaabataa cunnooyinka tamarta laga helo cunnooyinkaasi oo ay ka mid yihiin boorashka, rootiga nafaqada leh oo ay sokor ku jirin ama ay ku yartahay.

Sida oo kalana cunnooyinka borotiinka laga helo sida caanaha, caanaha garoorka iyo ukunta.

Cunnooyinka kale ee awoodda xifdinta maskaxda sare u qaado waxaa ka mid ah: Ukunta, kalluunka iyo saliiddiisa, hadhuudhka, koostada, kaabajka, xabuubka, avocado iyo khudaarta cagaaran ee kale.

Cunnooyinkana waxay ku sii wanaagsan yihiin iney marwalba isku dheella tirnaadaan xilliga ku habboonna uu qaataa.

2. Akhriska horey u billoow...

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Horey u billow akhriska

Imtixaanka wakhtigiisa inta aan la gaarin waa inuu qofka uu akhriska billaabo si uu qofka uu cadaadiska soo foodsaari lahaa marka uu imtixaanka soo dhawaado.

Waxaana aad u sii wanaagsan ayey daraasaddu leedahay inuu qofka akhrisanaya marka uu dhammeeyo waxa uu akhrisanayo inuu wakhti muraajaca uu sameysto ka hor inta uu imtixaanka gelin.

3. Wixi ahmiyadda u baahan ahmiyadda sii...

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Imtixaanka waxa kaa wajahi karo xoogga saar...

Imtixaanka ayaa wuxuu u kala baxaa seddex nooc oo kala ah: mid qoraal ah, mid ficil ah iyo mid afka lagaa weydiinayo.

Marka qofka akhrisanaya waa inuu ogaadaa habka uu ugu diyaar garoobayo nooca imtixaanka ee sugaya. Sida oo kalana qofka imtixaanka galaya waa inuu ku tala galaa qaabka uu imtixaanka u imanaya inuu yahay qor, dooro, sharrax, iwm...

4. Qorshe dajiso

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mashquulka iska yaree

Qofka akhriska sameeynaya waa inuu sameeystaa qorshe cad oo uu raaco inta uu akhriska ku jiro maalinwalba waxa uu akhrinayo, xilliga uu akhrinayo iyo inta saacadood uu cashar kasta akhrinayo.

Hana illaawin qorshahaaga inuu ka mid ahaado layliyo, imtixaanno yaryar iyo tijaabooyin aad adigu iska qaadeyso markasta oo aad cashar akhriskii dhammeyso.

5. "Akhriskaaga wakhti geli" si aad uga faa'ideysto

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Akhriskaaga wakhti geli

Akhriska oo wakhti la geliyaa waxay ka mid tahay istiraatiijiyada ugu wanaagsan uu qofku guul ka gaaro sheyga aad wakhti badan gelisidna waxay u badan tahay iney marwaba xusuustiisa kula jirto.

Waxaadse ogaataa xeeladaha loo akhristo iyo waaddada loo mara iney maadooyinka ku kala duewan yihiin.

6. Adigu tijaaba iska qaad

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tijaabada aad adigu iska qaaddid waxaad ku ogaaneysaa halka aad ka liidato

"Tijaaba iska qaad" sida ugu wanaagsan oo aad akhriska guul uga gaari kartid isla-markaana wixi aad akhrisataya inaad illaawin gacan ka geysanaya ayaa waxay khubarada dhinaca waxbarashada ku tilmaamaan iney tahay tijaabada uu qofku iska qado.

Farasamadaasi waxay sida oo kale kaa caawineysaa inaad fahanato, inaad xifido iyo inaad dib ugu laabato meelaha aad isleedahay waad ka liidataa.

Sida ugu wanaagsan ee aad tijaabada isaga qaadi kartid waxay tahay inaad qoraal ahaan isaga qaaddo ama iney cid kale ku weydiiso.

7. Macallin iisu noqo

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sabuuradda la aad wixi aad akhrisatay si aad u xusuusato

Haddaba, haddii aad muraajaca sameeysay, tijaabana aad iska qaadday maxaa xigaya? Waxaad aaddaa sabuuradda adiga oo cid kale barayo wixi aad akhrisatay.

Qofkale inaad waxbarto waxay kaaga baahan tahay inaad si weyn isugu soo diyaariso cashar kasta oo aad dadka kale bari lahayd.

8. Noqo qof firfircoon, taleefanka gacanta iska fogee

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Taleefanka wuxuu caqabad ku yahay muraajaco

Taleefanka wuxuu leeyahay faa'idooyin badan marka dhanka wanaagga laga eego balse barnaamijyada baraha bulshada uu xiriirkooda fududeeyo taleefanka gacanta inta badan waxay caqabad ku noqdaan akhriska qofka.

Tijaabooyin horay loo sameeyey ayaa waxay sheegayaan markasta oo taleefankaaga aad wakhti badan gelisid, inuu hoos u dhacayo natiijada aad imtixaanka ka keeneysid.

Xataa ha isku dayin meel u dhaw halka aad ku akhrisaneysid inaad taleefankaaga gacanta dhigto, maadaamaa ay badabaa dhacdo inuu qofku taleefanku mar un soo qaado, isaga oo aan is ogeyn.

9. Dhageysiga heesaha ka fogoow, aamusnaantana ku dadaal

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Aamusnaanta ayaa wanagsan

Ardayda jawiga deggan ku akhrista ayaa la ogaaday iney ka natiija wanaagsan yihiin ardayda aan ku akhrisan jawi deggan ama wax dhageysta xilliga ay akhrisanayaan.

10. Wakhti nasasho sameeyso, jimcsina samee

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Akhriska kaddib sameyso wakhti aad ku nasato

Markasta oo aad cashar ama maaddo akhriskeed aad dhammeyso waa inaad sameeysataa wakhti kooban oo aad ku nasato inta aad akhris kale u gudbin.

Markaad imtixaanaadka tijaabada iska qaadeysid waxuu cadaadis xooggan uu soo fuulayaa jirkaaga iyo maskaaxdaadaba sdiaa darteed nasashadu waa lagama maarmaan.

Marka hawo nadiif ah oo aad qaadataa waxay kuu fududeynayaan howlaha xiga ee aad qabaneysid.

11. Hurdo kuugu filan seexo

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Si wanaagsan u seexo si aad adiga oo firfircoon aad u akhrisato

Habeenki inaad hurda kuugu filan inaa seexato waa lagama maarmaan gaar ahaanna habeenka ka horreeyo akhriskaaga, qaacidadanna waxay shaqeeyneysaa inta maalmood ee aad akhriska ku guda jirto.

Si wanaagsan oo uu qofku habeenki u seexdo waxay ka caawineyso inuu horay hurdada uga tooso oo akhriska billaabo, waxayna hurdada wanaagsan gacan ka geysaneysaa inuu qorshahaaga maalinka uu hagaago.

Khubaradana waxay ku talinayaan iney wanaagsaneen muraajacada habeenki hurdadad ka hor la sameeyo maadaamaa qofka xilligaa uu daallan yahay maskaxdana ay ku adkaaneyso iney waxwalba sidooda u qaadato.

12. Isdeji oo wanaag ku fikir

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Isdaji oo noqo qof farxasan

Khubarada cilmunafsiga waxay ku talinayaan degganaantu iney kaalin weyn ku leedahay guusha uu qofka imtixaanaadka ka gaaro.

Haddaba talooyinka ay daraasaddu tilmaamtay haddii aad raacdo waxaad awood u yeelaneysaa inaad imtixaanaadka heerarka kala duwan aad libin ka gaadho.

Muhiimadduna waxay tahay inaad marweliba aad ku fakarto sidi aad waxbarashadaada ugu guuleysan lahayd si noolashaada horumar aad ugu horseeddo.

Mowduucyada la xiriira