Hurdada fiicani hore u toosbay leedahay

Laba gabdhood oo hurdada ka soo toosay Lahaanshaha sawirka Getty Images

Hurda seexashada iyo ka soo toosidda waxay ka mid tahy dabeecadaha noolasha bani aadamka.

Noolasheenna marka seddex loo qaybiyo qayb ka mid ah, noolasheenna oo dhami waxaan ku qaadannaa hurdada, hurda la'aanna noolali ma jirto.

Marka aan hurudno, maskaxdeenu wax badan ayay xusuusataa waxayna kala rogtaa macluumaad kala duwan oo ka mid ah waxyaabihi aan maalinka oo dhan qabaneynay. Xilliga aan hurudno Jirkeenna sunta ayuu iska saaraa, jirkeennana wuu is cusbooneysiiyaa, si marka aan u soo kacno uu si wanaagsan ugu shaqeeyo.

Huradada oo qofka ku yaraato ama hurda la'aanta ayaa si weyn u saameeya caafimaadka qofka. Khubarada arrimahan ku takhasusay ayaa soo jeedinaya in 17-19 oo aad waxbarato ama aad cashar ku jirto ay la mid tahay sida qof aad u cabbay khamriga.

Dhibaatooyinka wey kasii dareen xilliba xiliga ka sii danbeya. Haddii uu qofku 11 maalmood oo xiriir ah ay hurda la'aan ama hurda yari la soo daristo waxay qofka u horseedeysaa dhibaatooyin caafimaad darro.

Wuxuuna qofka ay hurda la'aanta la soo deristo wuxuu ka dhaxlayaa xusuusta oo ku yaraato, shakiga oo ku bato iyo quruxdiisa oo suusho iwm...

Balse saaynisyahannada ayaa si aad ah uga deyrinaya hurda yarida qofka ay hayso inuu caafimaad darro ay soo wajaheyso.

Muhiimadda iftiinka uu u leeyahay jirkeenna

Iftiinka waabariga jirka qofka muhiim ayey u tahay oo waxay kor u qaadeysaa shaqada wadnaheenna, firfircoonida jirka guud ahaan iyo aragga indhaha.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Indhaheenna waxay marwalba isku dheellitiraan iftiinka maalinki iyo mugdiga habeenki taasoo qayb ku leh nasashada maskaxda xilliga aan hurudno.

Dadka xagga aragtida cilladda ka qaba waxay la kulmaan dhibaato aad u ba'an maadaamaa jirkooda uusan iftiinka aragga ku xiran dareemeyn taasina waxay u horseddaa hurda la'aan.

Shaqada habeenkii la qabto

Sideynu u badannahay inteenna habeenki shaqeyso ma helno iftiin dabeeci ah oo nagu filan, maadaamaa habeenki oo dhan aan soo jeedno.

"Iftiinka dabiiciga ah ee maalinkina waxtar aad u weyn ayuu noo leeyahay xilliyada aan seexaneyno iyo xilliga aan hurdadad ka soo tooseyno. Dadka habeenki shaqeeyo hurdada ay maalinki seexdaanna wey ka duwan tahay tan habeenki la seexdo, mana ah hurdo wanaagsan oo raaxa leh balse danta ayaa dadka ku qaasabta" ayey yirahdeen khubarada daraasadaaka sameeyey.

Qofka oo ay hurda hayso haddana hurdadad isku celiyana waxay ka mid tahay waxyaabaha caafimaad darrada qofka soodedejiya, qofka marka ay hurda qabato wakhti yarba ha ahadee waa inuu seexdaa.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dadka habeenki shaqeeya 97% waxay ku guul darreystaan iney la qabsadaan shaqada habeenki, waxayna shaqada habeenki ay saameynteeda caafimaad sii badaneysaa inta sano uu qofku ka shaqeeyo shaqada habeenkii ah.

Iftiinka qofka uu u baahan yahay ee caafimaadka qabana ma aha kan xafiisyada ee uu ka helo korontada balse waa kan ceedceedda oo kan korontada 250 jibbaar ka nadiifsan kana caafimaad badan.

Daraasadda jaamacadda Harvard ay ku sameeysa dadka habeenki shaqeeya waxay ku sheegtay iftiinka habeenka ay la qabsadeen aan dabiiciga ahayn markay la qabsadaan kaddibna waaga marka uu baryo ay la kulmaan iftiinka dabeeciga ah labada iftiin ee isdhaafayo iney sameyn weyn ku leedahay faraxaddooda iyo noolashoodaba.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Daraasadda waxaa lagu soo gabagabeeyey qofka caafimaadka qaba in looga baahan yahay 24 saac inuu seexdo 8 wax aan ka yareen isla-markaana uu xilli fiican uu seexdo xilli fican si uu u soo tooso.

Mowduucyada la xiriira