Iran: Diyaar baan u nahay in aanu wajahno cadawgeena

Ciidamada Iran Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Iran

Maalin un kadib markii rasaas lagu furay agagaarka aagga cagaaran ee magaalada Baghdad, halkaasi oo u dhaw safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalka Ciraaq ayaa abaanduulaaha ciidamada Iran Ali Hajilou sheegay in Mareykanka iyo cadawga Iran aysan awood u lahayn in ay dalkooda ay ka adkaadaan.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in haatan uu Mareeykanka uusan lahayn awood milatari oo u ku weeraro Iran, arrintaasi oo ay sida oo kale toodobaadkii hore ka dhiidhiyeen ciidamada Kacaanka Islaamka ee Iran.

Abaanduulaha ayaa sida oo kale sheegay in waqooyiga dalka uu si adag isugu diyaariyay weerar kasta oo kaga yimaadda cadawga Iran.

''Mareykanka waxaa uu Iran kula dagaalamayaa warbaahinta oo uu adeegsanayaa in uu Iran cabsi geliyo.''

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu soo saaray digniin ku socota Iiraan, isaga oo sheegay in haddii labada dal uu dagaal ka dhex qarxo ay burburin doonaan Iiraan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxwayne Xassan Rouhani iyo madaxwayne Donald Trump

"Hadii ay Iiraan doonayso in ay dagaallanto waxaa ay taasi rasmi ahaan noqon doontaa dhammaadka Iiran," waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu bartiisa Tweetarka soo dhigay Axaddii.

"Mar dambe uma gooddin dooonaan Mareykanka!"ayuu intaa ku daray

Balse qoraalkan uu soo saaray Mr Trump ayaa ah isbaddal cusub isaga oo dhawaan beeniyay suurtagalnimada dagaal dhexmara labada dhinac.

Maalmo ka hora ayay ahayd markii uu madaxwayne Trump sheegay in Mareykanku uusan doonayn in cadaadiska Iiraan uu isu baddalo dagaal.

Mar ay wariyayaasha Khamiistii waydiiyeen in Mareykanku doonayo in uu dagaal la galo Iiraan waxa uu ku jawaabay, Mr Trump: "waxaan rajaynayaa maya."

Muxuu salka ku hayaa khilaafkan soo cusboonaaday?

Xiisadahan ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labadan dal ayaa imanaya kaddib markii ay Iiraan joojisay waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka sidoo kalana ay ku gooddisay inay dib u bilaabi doonto barnaamijkii ay ku kobcinaysay uranium-keeda.

Heshiiskii 2015 ayaa waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sanadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu soo dalkaasi ku soo rogay.

Lahaanshaha sawirka MCSN Jason Waite / Navy Office of Information / A

Mareykanka ayaa waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan.

Baarayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale waxa ay bilowgii bishan Iiraan ku eedeeyeen ama kooxaha ay baritaarto inay walxaha qarxa u adeegsanayaan inay ku waxyeeleeyaan maraakiibta shidaalka qaadda ee ka baxaysa Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Tahraan ayaa iska fogaysay eedahaasi.