Haweeney Soomaali ah oo dhexda u xiratay tayeynta Mooska

Xirsiya Cabdille Siyaad oo Mooska ka ganacsato
Image caption Xirsiya Cabdille Siyaad oo Mooska ka ganacsato

Gabar ganacsato ah oo ku nool magaalada Muqdisho, ayaa billawday in ay dib u soo celiso quruxda iyo dhadhanka uu lahaa mooska ka soo go'a beeraha Soomaaliya.

Xirsiya Cabdille Siyaad oo ka mid ah ganacsatada beeraleyda ah ayaa samaysay goobo lagu diyaariyo mooska, kahor inta aan loo iib geynin Suuqyada iyo Hoteellada Muqdisho.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo tagay goobaha ay gabadhani mooska ku diyaariso ayaa sheegay in xarunteeda loo diyaariyay si heer sare ah.

Image caption Moos qayriin oo barkad ku dhexjiro

Sida horay loo sameyn jiray mooska beeraha afgooye marka laga soo guro geedka, toos looma geeyo suuqa ee waxaa lagu dhex ridaa barkad ay biya ku socdaan marka biyaha lagu nadiifiyo kaddibna waxaa lagu keydinayaa bakhaarro leh qaboojiyeyaal si uu mooska u yeesho midabka huruudda ah uu caanka ku yahay mooska Soomaaliya ka baxa iyo dhadhankiisi saxda ahaa."

"Waagi hore mooska waan cuni jiray balse kama shaqeyn jirin, waana soo arki jiray isaga oo yaalla bakhaarrada iyo miisaska lagu iibiyo. Moos jaalla ah oo qurux badan wuu jiri jiray marka uu dalka Soomaaliya burburka uu ku dhacayna khudaarta uu iseddelka ku dhacay waxaa ka mid ah Muuska inta kale waa sidooda", ayey tiri Xirsiya.

"Mooska waxaan ogaaday, haddii marka geedka laga soo gooyo si raaxa leh loo nadiifiyo loona dhigo, inuu dhadhankiisi iyo midabkiisa saxda ahaa uu ilaahey u abuuray uu yeelanayao."

Image caption Moos bislaaday

"Dadka inta badan waa laga dhaadhicin waayey maxaa yeelay dadki hore ee Mooska yaqaannay waxay noqdeen dad horay u baxay ama aan waddanka joogin dadka hadda joogana wey la qabsan waayeen oo waxay igu yirahdaan mooskaan dibadda laga keenay. mooskan ma ahan kii waddanka iwm..."

"Waxay igu qaadatay sannado in aan dadka aniga ku daallo oo cashar u akhriyo oo Mooska waddankeenna weeye ku dhaho, beerahaeenna ayey ka baxaan. Laakiin hadda wey barteen inuu Mooska kii waddankeenna uu yahay oo aan waddan shisheeye laga keenin", ayey tiri.

"Mooskanna wuxuu rabaa oo keli ah inaad nadiifiso anigana Fangaska ka dhalanaaya Mooska ayaan ka dilaa, anigoo isticmaalaya dawo ay beeraley badan isticmaalin oo ay igu kaalmeeyeen dawadaas, haddii mooska wakhtigiisa la siiyana isagaa bislaanayo meel nadiif oo qaboow unbuu u baahan yahay."

Image caption Moos diyaar u ah suuq geynta

"Mooska markaan billaabayey hal tan ayaan afar maalin qaybinayey si ay dadku u brtaan balse sannado badan kaddib hadda waxaan taaganahay maalintii inaan laba tan bixiyo. Waxaa iga iibsada suuqleyda, gaadhi gacanka dadka ku shaqeysta, maqaayadaha, hooyooyinka khudaarta iyo hilibka iibiyo, aniga ayaana halka ay joogaan ugu geeya waxaanna u sameeyey gaadiid qaada oo u gaar ah," Ayey tiri.

Gabdhaha dib u sii iibiya Mooska ay ka qaataan Xirsiya waxaa ka mid ah Sacdiya Cabdulle Waare waxayna sheegeysaa in ay macaamiil badan heshay tan iyo markii ay billawday iney Mooskan sii iibiso isla-markaana uu ka faa'iddo badan yahay Mooskii ay horay u iibin jirtay.

"Sh1,200 shillin Soomaali ah ayaa nalaga siiyaa, 200 ayaan gadannaa, horay ayuu nooga dhammaada, kii hore wakhti badan ayuu yaalli jiray balse kan macamiil badan ayuu leeyahay dhaqso ayaana nalooga iibsadaa, dadkana aad ayay u jecel yihiin".

Xirsiya Cabdille Siyaad, muddadii ay howshan ku jirtay caqabad la'aan ma ahayn balse waxay sheegtay inuu hammigeedu yahay in mustaqbalka Mooska dibadda u iibgeeyso iyad oo hadda beer weyn ka iibsatay Afgooye.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan