Kenya maxaa karka ka keenay?

Uhuru iyo Farmaajo Lahaanshaha sawirka OFFICE OF THE PRIME MINISTER-ETHIOPIA

Xiisad dibulaamiyadeed ayaa ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya, ayadoo labadan dal uu ka dhexeeyo muran dhanka badda ah, taas oo keentay in dacwaddoodu ay gaarto Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ.

Muranka dhanka badda ah ee labada dal ayaa horseeday xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhex qaraxday, Kenya ayaana dhawaan qaadday tallaabooyin ay ka mid tahay in ay u yeeratay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya halka safiirka Soomaaliya ay ku wargalisay in uu dalka ka baxo.

Sidoo kale waxay hakisay duulimaadyaddii tooska ahaa ee diyaaradaha rakaabka ah ee u kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, sheegtayna in ay u weecisay magaalada Wajeer si baadhitaanno loogu sameeyo.

Kenya ayaa tallaabadan ku sheegtay mid ay uga golleedahay in ay ammaankeeda ku sugto.

Si kastaba ahaatee, waxaa la iswaydiinayaa waxa Kenya ku kallifay in ay qaaddo tallaabooyinkan ka dhanka ah Soomaaliya, ayadoo dhanka Soomaaliyana uusan jirin wax falcelin ah oo arrimahaas ku saabsan?

Dadka wax falanqeeya ayaa tallaabooyinkan ay Kenya qaadday u aanaynaya dhowr arrimood oo ay kamid yihiin:

Sharciga Batroolka Soomaaliya

Baarlamaanka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 20-kii bishan May, cod aqlabiyad ah ku meel mariyey xeerka shidaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa dad badan u arkaan in ay mar kale ka caraysiisay dawladda Kenya oo horay ugu carootay shirkii shidaalka Soomaaliya ee London.

Kenya ayaa garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta ku xayirtay masuuliyiin katirsan dawladda Soomaaliya oo ay sheegtay in aanay dal ku gal wadan.

Hase ahaatee, dadka arrimaha geeska Afrika ka faallooda ayaa qaba in meelmarinta sharciga shidaalka Soomaaliya uusan qayb ka ahayn xiisaddan soo cusboonaatay.

"Arrintaas uma arko in ay wax wayn tahay, Soomaaliya xaq bay u leedahay in ay iibgayso shidaalkeeda, balse midda kaliya ee Kenya ay ka dhawaajineyso waa in labada dal ay kawada hadlaan dhulka lagu muransan yahay inta aan tallaabooyin kale la qaadin", ayuu yiri Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo arrimaha siyaasadda iyo geeska Afrika ka faallooda.

Shirkii London ee shidaalka Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka ,

5-tii Feberaayo ee sanadkan 2019-ka waxaa magaalada London ee dalka Britain ka dhacay shir lagu soo bandhigay macluumaad la xiriira sahamin shidaal oo laga sameeyey Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa qaban qaabiyey Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ku iibgaynayso xirmooyin shidaal ah. Tallaabadan ayay dawladda Kenya ku tilmaantay mid Soomaaliya ay ku xaraashayso xirmooyin shidaal ah oo laga helay badda ay labada dal ku muransan yihiin.

Kenya ayaa qabsoomidda shirkan uga falcelisay "in ay erido" safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkeeda iyo in ay u yeerato safiirkeeda ka jooga Muqdisho.

Xiisaddaas diblumaasiyadeed ayaa markii dambe lagu xalliyay qaab wada xaajood ah oo uu gar wadeen ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo kulan isugu keenay madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Kenya.

Rajada Kenya ay ka qabto kiiska muranka badda ee ICJ

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dacwadda ku aaddan muranka dhanka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka mid ah waxyaabaha loo aanaynayo xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan labada dal.

Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caddaalada ee Caalamiga ah u gudbisay gal dacwadeed ku aaddan muranka dhanka badda ee kala dhexeeya Kenya, hase ahaatee labada dalba waxay muujinayaan Kalsooni ku aaddan kiiska maxkamadda yaal.

Qaar ka mid ah dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in dacwaddaasi ay ka caraysiisay Kenya oo aamminsan in labada dal ay dhexdooda ka heshiin kareen oo ay aysan ahayn in heerkaas la gaarsiiyo.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa ka mid ah dadka aamisan in la sugo natiijada maxamadda ICJ ee aan lagu kadsoomin rajada ay sheeganayaan labada dhinac ee is haya.

"Masuuliyiinta Kenya markaad waydiisiyid waxay kuu sheegayaan 'rajadeennu aad ayay u fiican tahay', markaad Soomaalida waydiisidna waxay leeyihiin 'rajadeennu aad ayay u fiican tahay', kolley maxkamadda ayaa go'aan ka gaari doonta", ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee lix bilood ayaa ka hartay muddada Maxkamadda ICJ ay u qabatay go'aan ka gaarista kiiskaan, balse waxaa muuqata in ayadoo aan muddadaas la gaarin uu sii xumaanayo xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya.

Siyaasadda Jubbaland

Lahaanshaha sawirka MADAXTOOYADA JUBBALAND

Doorasho madaxtinimo ee Jubaland ayaa dhawaan lagu wadaa in ay ka dhacdo Kismaayo, ayadoo maamulka Jubbaland ay dawladda federaalka ku eedeeyeen in ay faragalin ku hayso arrimaha doorashada gaar ahaan soo xulista xildhibaanada.

Dhanka kale, Kenya ayaa la sheegayaa in ay taageerayso madaxweynaha uu waqtigu kasii dhammaanayo ee Axmed Madoobe.

Arrintan ayaa la sheegayaa in ay tahay arrinta ugu wayn ee soo celiyay xiisadda labada dal marka laga yimaado muranka dhanka badda.

"Arrinta kale ee la isku haysto ee muranka wayn uu ka taagan yahay waa arrinta Kismaayo, dawladda Kenya waxay taageeraysaa Axmed Madoobe wax qarsoonna maahan, waxayna doonaysaa in aan meesha laga qaadin, halka dawladda Soomaaliya ay diiddan tahay in Axmed madoobe uu sii joogo", ayuu yidhi Cabdiwahaab Sheekh Cabdisimad.

Kenya oo bad la'aan noqota

Qaar ka mid ah aqoonyahannada dalka Kenya ayaa soo jeedinaya aragtiyo ku aaddan in Kenya ay noqonayso bad la'aan haddii Soomaaliya ay ku guulaysato dacwadda muranka xuduudda.

Muuqaal oo ay soo duubeen ardey Kenyan ah oo jaamacado ka dhigta dibedda ayaa lagu sheegay in "Soomaaliya oo kaashanaysa dalal caddaan ah ay gumaysan rabto Kenya", isla markaana ay doonayso in ay dhacdo badda lagu muransan yahay.

Dhaliyarada muuqaalka ku jirta ayaa ku doodaya in haddii maxkamadda cadaallada ee caalamiga ah ay go'aamiso in Soomaaliya ay leedahay badda lagu muransan yahay, ay taasi horseedi doonto in "Kenya ay noqoto dal aan bad lahayn".

Waxa ay sheegeen in Kenya ay abaal badan u gashay Soomaaliya, gaar ahaan soo dhaweynta qaxootiga kasoo cararay colaadda sokeeye ee dalkaasi.

"Ma oggolaaneyno in taako kamid ah dhulkeenna la qaato… waxaan ku wargelineynaa walaalahayaga Soomaalida ee aanan taageerada siinnay, ee qaxootinimada kasoo gudbay ee noqday milkiilayaasha xaafadda Islii, rugta ganacsiga labaad ee ugu weyn Nairobi waa iney joojiyaan xukuumadda Muqdisho", ayaa lagu yiri muqaalka.

Balse dadka siyaasadda ka faallooda ayaa sheegaya in dawladda Kenya aysan qabin aragti noocaas.

"Hadalkaas waxaa yidhi ninka la yiraahdo Mutahi Ngunyi oo ah nin aqoon yahan ah, Dawladda Kenya ma aysan oran, Kenya-na ma noqon karto dal aan bad lahayn, waayo dhulka lagu muransan yahay waa Boqol kilometre oo iskuweer ah oo akliya". Ayuu yidhi Dr Abdiwahaab Sheekh Cabdismad.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan