''Ninkii ka dambeeyay weerarkii misaajiddadii Christchurch wuxuu ahaa aragagxiso''

Ninka weerarka geeystay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ninka weerarka geeystay

Ninkii lagu eedeeyay in uu 51 qof ku dilay misajiddo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa lagu eedeeyay fal argagixiso ah, sidaasi waxaa sheegay booliska.

Brenton Tarrant waxa lagu soo oogay dacwad dil ah kadib weerarkii labada misaajid ee 15-kii Maarso.

Ninkaan oo u dhashay dalka Australia ayaa maxkamddiisa xigta la dhageeysan doonaa bisha June ee foodda inagu soo haysa.

Booliska oo la kulmay qoysaskii ay dhibaatada soo gaartay iyo dadkii ka badbaaday ayaa ku wergeliyay in ninkaasi lagu soo oogay fal argagixiso ka hor inta aanan lagu dhawaaqin.

Waxa ay sheegeen in ay tashi la sameeyeen khuburo dhanka sharciga ku xeel-dheer iyo dacwad oogayaasha ka hor inta aysan go'aankaasi gaarin.

Dacwadaasi miyey sababi kartaa in dalka uu ka bilawdo ururo argagixiso ah?

Tan iyo markii ay dhaceen weeraradii 15-kii Maarso, waxaa jiratay dood adag oo ku saabsan waxa isbedeli doono oo laga faa'iidayo marka la xukumo ninkaan geeystay falkaasi arxan darrada ah.

Waxaa maxkamadda laga hor cadeeyay in ninkaan uu ku lug lahaa fal aragagiso oo aysan niyad kaliya ka ahayn.

Sidaasi darteed ayna u badantahay in dalka ay ka biloowdaan ururo ama shakhsiyaad aamisan fikradaha xagjirnimada.

Sidee ayay dawladda New Zealand uga falcisay markii uu dhacay weerarka misaajiddada?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Jacinda Ardern

Ra'iisal wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern, ayaa caalamka u dirtay baaq ku aaddan cunsurinimada, iyada oo soo jeedisay in lala dagaalammo fikirka cunsuriyadnimada ka dib weerarkii loo gaystay laba masaajid oo ku yaala Christchurch.

Mid ka mid ah waraysiyadii ay BBC-da siisay ayaa waxay ku sheegtay inay ka soo hor jeeddo fikirka ah in cunsuriyadnimada ay horseeday dadka soo galootiga ah ee dalka ku soo badanaya.

50 qof ayaa naftooda ku waayay tobonnaan kalana waa ay ku dhaawcmeen weerar Jimcihii lagu qaaday laba masaajid oo ku yaalla dalkaas.

Sharciga cusub ee oggolaanshaha hub-qaadashada New Zealand

-Ugu yaraan waxaa dalban kara sharciga hubka qof ay da'diisu tahay inta u dhaxeeysa 16 ilaa 18 sano.

-Qof walba oo hub haysta waxaa laga doonayaa warqada oggolaanshaha.

-Qofka dalbanaya dabridista waxaa la marsiinayaa baaritaan la xariira danbiyo iyo cafimaadkiisa oo lahubinayo.

- Sharcigan qofka hela waxaa loo oggol yahay iibsashada hub farobadan

balse waxaa dib loo soo cusbooneysiiyay isku day lagu doonayo in la xakameeyo adeegsiga hubka ee wadanka New-Zealand, ka dib weerarkii khasaaraha dhaliyay ee uu nin hubeysan ku qaaday masaajid lagu tukanayay.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Christchurch

Mowduucyada la xiriira