Suldaanka da'da yar: Waxaan u xiisay ciyaarta kubadda cagta

Suldaan Mahamad Suldaan Hure Lahaanshaha sawirka .
Image caption Suldaan Mahamad Suldaan Hure

Soomaalida waxaa inta badan ay yihiin kuwa ku dhaggan dhaqanka soo jireenka ah.

Dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah in suldaannimada la kala dhaxlo oo marka qabiilka uu ka dhinto Suldaankooda uu badalo wiilkiisa ama walaalkii.

Hadaba waxaa mararka qaar dhacda in Suldaanka marka uu dhinto la caleema saaro wiilashiisa oo aad u da'yar.

Suldaan Mahamad Suldaan Hurre waa suldaanka ugu da'yar Soomaaliya xilligan, waxa uuna ku noolyahay Puntland.

Waxaa la caleema saaray isaga oo ay da'diisu ahayd 15 jir, haddana waa 18 jir oo waxa uu xilka hayay muddo saddex sano ah.

Suldaan Maxamed Suldaan Hure ayaa waxaa uu ka mid yahay ardayda maanta soo gabagabaynaysa imtaxaanka dugsiga sare ee Puntland.

Suldaanka da'da yar oo BBC la hadlay ayaa sheegay in uu imika la qabsaday howsha suldaanimada inkasta oo uu aad u da'a yaryahay.

"Waan la qabsaday waana fahmay intaas oo sano ayaan ku soo jiray waana la qabsaday", ayuu yiri Suldaan Maxamed

Suldaan Maxamed Suldaan Hure ayaa sidoo kale sheegay in taloooyiin badan ay siiyaan isimada Puntland uuna wax badan ka faa'iday.

"Waxaan maanta ku joogo meesha waa isimadaas oo i soo garab istaagay haddii ay ahaan lahayd talo iyo waxtar kale", ayuu yiri Suldaanka.

  1. Suldaan ku tallaabsaday arrin aan looga baranin hoggaamiye dhaqameedyada
  2. Boqortooyo maku badelan lahayd gabadh qurux badan?
  3. Maxaad ka taqaan 'Jeel Ogaadeen'?
Lahaanshaha sawirka .
Image caption Suldaan Mahamad Suldaan Hure

"Waxaan jecelahay kubadda cagta"

Suldaan Maxamed Suldaan Hure ayaa tan iyo markii la caleema saaray 3 sano ka hor, waxaa isbadalay hab dhaqankiisa iyo saaxibbadii uu lahaa .

Waxa uu sheegay in markii uu suldaanka noqday ka dib ay kala go'een saaxibadiisii ay kubadda wada ciyaari jireen.

"Waan jeclaa kubadda iyo arrimaha ciyaaraha, balse hadda waxaa ii diiday waqtigii iyo waxbarashadii iyo shaqada imika aan qabtay, arinkaas mar hore ayaa iigu dambeysay waan jeclahay in aan ciyaaro, aad ayaan u jecelahay waliba", ayuu yiri Suldaan Maxamed.

Kaalintiisa xallinta khilaafaadka.

Salaadiinta ayaa waxa ay inta badan xalliyaan khilaafyada soo kala dhexgala beelaha kala duwan ee Soomaalida.

Suldaan Maxamed Suldaan Hurre ayaa sheegay in mararka qaar isaga oo dhalinyarada iyo ardayda iskuulka dhex jooga ay isku dhacaan ka dib na uu isaga kala dhexgalo oo uu xaliyo.

"Way dhacdaa in aniga oo dhalinyarta dhex jooga ay labo isku dhacdaan, waxaan isku dayaa badanaa inaan labadooda heshiisiiyo si aan khibrad uga sii qaato", ayuu yiri Suldaan Maxamed.

Waxa uu intaa ku daray in ardayda ay iskuulka wada dhigtaan ay si aad ah u qadariyaan islamarkana ay ku qancaan go'aankiisa.

"Badanaa sababta aan dhexgalayo waa sida ay ii sharfayaan, haddii aysan i cisaynayn maba aanan dhexgaleen, marka iyaguna way i ixtiraamaan waynta i sharfaan", ayuu yiri.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan