Ninkii caanka ee lacagta u aruursanayay arookiisa oo gabadhii ay ka tegtay

Eric Omondi
Image caption Eric Omondi

Majaajiliistaha caanka ah ee u dhashay dalka Kenya, Eric Omondi ayaa shaaca ka qaaday inay kala tageen gabadhii uu la aqalgeli rabay oo mar sii horreysay uu sheegay inuu doonayo in laga caawiyo kharashaadka ku baxayo arooskiisa oo uu ku qiyaasay ku dhawaad $800,000 oo dollarka Mareykanka ah.

Eric Omondi ayaa barta uu ku leeyhay Instagramka kusoo qoray in xiriirkoodii jecel uu soo afjarmay isla markaasna ay kala daneysteen.

Waxaa uu sheegay in gabadhii uu jeclaa ay usoo gudbisay codsi ah inay dib ugu laabato dalkii ay kasoo jeeday ee Talyaaniga si ay nolosheeda uga sii wadato halkaas, codsigeedana uu ka aqbalay.

Majaajiliistahan ayaa waxay in muddo ah wada socdeen gabar u dhalatay Talyaaniga oo lagu magacaabo Chantal Grazioli.

"Waxaan isla soconay muddo 4 sanno iyo bar ah, waxaana dhexmaray arrimo muhiim u ah nolosha, balse hadda waxaa isbaddalay guud ahaan qorsheheena", ayuu ku yiri bartiisa Instagramka.

Waxaa uu ka dhawaajiyay in gabadha iyo isaga ay ku heshiiyeen inay soo afjaraan xiriirkoodi jecel balse ay weli saaxibo kale sii ahaadaan.

Waxaa hadda meesha ka baxay arooskii uu ninkan doonayay inuu Talyaaniga kula aqalgalo gabdhaas oo uu Kenyaanka ka codsaday inay ka caawiyaan kharashaadka.

Kaftannada uu sameeyo waxaa qeyb ka ah Soomaalida oo horey uu bandhigyadiisa ku matalay qaabka ay u hadlaan iyo sida ay Islii ugu badan yihiin.

Omondi oo si weyn looga yaqaanno baraha bulshada ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in marka uu arooskiisa dhacayo diyaarad gaar ah u kireysan doono dalka Talyaaniga halkaas oo ay xafladda arooska ka dhici doonto.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in qorshaha uu ugu jiro in arooskiisa ay ka qeybgalaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, jilaayaal caan ah iyo madax kale.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gabar caan ka ah Kenya

Jilaagan wuxuu inta badan qabtaan bandhigyo uu ku madadaaliyo taageerayaashiisa oo Soomaali ay ka mid yihiin, iyadoo dhacdooyinka taagan uu majaaliyoon ka sameeyo kuwaas oo uu soo geliyo baraha bulshada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan