Haweeney 102-jir ah oo ceeji ku dishay qof deris la ahaa

Haweeney da' ah oo kursi ku fadhida Lahaanshaha sawirka Getty Images

Haweeney 102 sano jir ah ayaa looga shakisan yahay inay dishay qof kale oo dumar ah oo daris la'ahayd, oo 92-jir ahayd. Waxay iskula noolaayeen meel dadka da'da ah lagu xanaaneeyo oo ku taalla Faransiiska.

Hadda waxaa lagu hayaan cisbitaal lagu daweeyo dadka qaba xannuunada dhimirka. Xilli sii horeysay ayay mid ka mid ah dadkii xanaaneynayay u sheegtay in ay "qof dishay", sida waaxda dacwad oogidda loo sheegay.

Qofka ay u sheegtay "inay dilka geystay" oo deggan magaalada Ch├ęzy-sur-Marne, ee waqooyiga Faransiiska ayaa haweeneyda dhimatay ka heshay sariir dusheeda, iyadoo wejigana dhaawac xun uu uga yaallo.

Dhimashadeeda waxaa sababay "ceeji iyo madaxa oo laga garaacay", sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay.

Qof ka shaqeynaayay meesha xannaanada, xilligii ay arktay haweeneyda dhimatay way suuxsanayd, sida ay AFP ay ku warrantay. Dilka ayaana dhacay xilli saq-dhexe ah.

Haweeneyda dilka geysatay "aad ayay u walbahaarsanayd, wayna jahwareersanayd, waxayna qof shaqaalaha ka mid ah u sheegtay in ay iyadu dilka geystay", ayaa laga soo xigtay waaxda dacwad oogidda, sida ay AFP qortay.

Dhaqaatiirta cilmu-nafsiga ayaa baaritaan ku sameynaya 102-sano jirta laga shakiyay si loo ogaado in ay ficilkeeda shaqsi ahaan ka dambeysi iyo in kale.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan