"16 sano anigoo jira ayaan uur qaaday, noloshayda ayeyna badbaadisay"

Robyn iyo Megan Lahaanshaha sawirka Colin George

Middlesbrough waxaa ka jira tirada ugu badan ee gabdhaha da'ada yar ee qaada uurka. Balse hal gabadh oo 16 sano jir ah oo ka soo jeeda magaaladan ayaa sheegtay in uurka ay qaaday uu badbaadiyey nolosheeda.

Robyn waxay isticmaali jirtay daroogada balse waxay sheegtay in markay dhashay gabadheeda ay nolosheeda isbadeshay.

"Waxaan badanaa ahaan jiray qof khamreysan ama daroogaysan, balse markaan uurka qaaday xaaladdayda way dagtay", ayey tidhi.

Tirada gabdhaha da'ada yar ee uurka qaada ayaa waxa ku yimid hoos u dhac guud ahaan dalka Ingiriiska, balse tirada gabdhaha magaaladan ee uurka qaada ayaa kor u kacday.

Robyn hooyadeed ayaa xasuusata habeen ay boolis guriga ugu imaadeen.

"Waxay ahayd saqdii dhexe ee habeenkii xilligii ay booliska albaabka igu soo garaaceen iyaga oo wada gabadhayda oo miyirkeeda aanan joogin."

"Markii ay ahayd 15 sano jir, waxay soo martay marxalado kala duwan kuwaas oo nolosheeda halis galiyey."

Markii aan la kulmay seygayga oo aan uur qaaday, waxaan xaqiiqsaday in nolosha aan ku jiro aysan ahayn mid ii wanaagsan." Ayey tiri.

"Aad ayaan ugu farxay markaan dhalay gabadhayda. Farxad ayaan la ooyay."

Image caption Robyn

Robyn xaqiiqdii waa jiilkii saddexaad ee ka soo jeeda qoyskeenna oo iyaga oo da'a yar qaada uur." Ayey tiri Shelly.

"Waxaan Robyn u sheegay inay tahay wakhtigii ay iska dayn lahayd waxa ay samaynayso, aad ayaan ugu faraxsanahay inay nolosheeda badeshay."

Waxaa laga jooga muddo 15 sano ah tan iyo markii ay dowladda shaacisay istaraatajiyad lagu xakamaynayo gabdhaha dhalinyarada ah ee uurka qaada.

Image caption Megan

Megan, oo ku nool magaalada Middlesbrough, waxay ahayd 17 sano jir markii ay ogaatay inay uur leedahay.

"Cunugayga wuxuu helayaa jacayl iyo daryeel wanaagsan." Ayey tiri Megan.

"Waxaan hadda dhamaystiray jaamacadda waxaana qorshaynayaa inaan iskuulka dib ugu laabto oo aan shaqo helo."

Dr Kimberly Jamie, wuxuu wax ka baraa jaamacadda Durham, " Waxaa loo baahan yahay in la yareeyo heerka gabdhaha da'ada yar ee dhibaatooyinka wajaha marka ay dhalaan iyaga oo da'yar."

Mowduucyada la xiriira