Kullankii Axmed Madoobe iyo AMISOM maxaa ku hoos duugan?

. Lahaanshaha sawirka Jubbaland Tv
Image caption Axmed Madoobe ayaa kulan la yeeshay saraakiisha midowga Afrika

Saraakiil sar sare oo ka tirsan hoggaanka howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM ayaa Talaadadii magaalada Kismaayo ee xarunta ismaamul goboleedka Jubbaland kula kulmay madaxweynaha maamulkaas ee uu waqtiga xilkiisu sii dhammaanayo Axmed Maxamed Islaam Madoobe, balse waxaaa su'aalo badan la iska weydiinayaa arrimhii ay isla soo qaadeen.

Wakiilka ururka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa madaxweyne Axmed Madoobe kula shiray aqalka martida ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha Ciidmaada Amisom ee Soomaaliy Tigabu Yilma ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdiga Amisom ee gaaray Kismaayo, kulankaasna ka qayb galay.

Ujeeddada kulanka ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii ay labada dhinac uga wada arrinsan lahaayeen maareynta doorashooyinka bisha Agoosto kusoo fool leh Jubbaland iyo hirgalinta howlgallo horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Hannaanka loo qabanayo doorashada, sugidda amniga, iyo hufnaanta ayaa ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee la hadal hayo sidii loo maareyn lahaa.

Dalabaadka Axmed Madoobe

Lahaanshaha sawirka Jubbaland Tv
Image caption Habka loo qabanayo doorashada, sugidda amniga, iyo hufnaanta ayaa ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee la hadal hayo

Shir jaraa'id oo shirka kadib ay si wadajir ah u qabteen Axmed Msadoobe iyo Madeira ayaa faahfaahin looga bixiyay ajendayaashii la isku soo qaaday.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in Jubbaland ay si buuxda mas'uul uga noqoto maamulka doorashada, islamarkaana ciidankeeda ay ku filan yihiin sugidda amniga doorashada.

"Qodobka labaad ee aan ka wadahadalnay wuxuu ahaa Doorashooyinka Jubbaland ka dhacaya, waxay ka hadleen in doorashadu ay noqoto mid si xalaal ah oo amni ah u dhacda, waxaa la isla wada sheegay in Jubbaland ay ku filan tahay fulinta doorashadeeda iyo sugidda amnigaba, wax dhibaato ah oo ka jirana aysan lahayn", ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Hase ahaatee, sida ay xusayaan warar hoose, qodobkan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid uu Axmed miiska u soo saaray AMISOM, kana mid ahayd dalabaadkiisa ku aaddan wada shaqeynta labada dhinac.

Dhanka kale wuxuu Axmed Madoobe meesha ka saaray inuu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhex galay maamulka Jubbaland iyo taliska AMISOM, arrintaas oo uu ku qeexay "hadallo borabogaando ah oo bulshada lagu dhex faafiyay".

Lahaanshaha sawirka Jubbaland Tv
Image caption Wafdiga AMISOM ee kismaayo gaaray waxaa hoggaaminayay Francisco Madeira

Francisco Madeira ayaa sidoo kale dhankiisa beeniyay wax uu ku tilmaamay "warar been abuur ah" oo ku saabsanaa in wax laga baddalay qorshaha ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaannada Jubbaland.

"Warka ku saabsan in ciidan ka tirsan AMISOM laga wareejiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo laguna wareejiyay ciidamo kale oo isla AMISOM ah, waa warar been abuur ah, hannaankii ay ciidankan ku shaqeynayeen iyo xarumihii ay horay ugu sugnaayeenba sidoodii ayey ugu sii sugnaan doonaan", ayuu yidhi Madeira.

Doorasho xaq iyo caddaalad ah

Saraakiisha AMISOM ee la kulmay Axmed Madoobe ayaa dhankooda dalbaday in la xaqiijiyo sidii doorashada Jubbaland ay u noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah, oo aanay ku dheehneyn wax isdabamarin.

Mr Madeira ayaa qodobkaas isdul taagay markii uu shirka jaraa'id kala qeyb galay madaxweynaha Jubbaland, wuxuuna u muuqday in AMISOM ay mowqif adag ka taagan tahay xaqiijinta doorashooyin caddaalad ah oo ka dhaca Jubbaland.

Image caption Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa inay dhacdo bisha Agoosto

Laakiin isfahanka dhex maray mas'uuliyiinta Midowga Afrika iyo Jubbaland ayey dad badan u fasirteen damaanad qaad buuxa oo Axmed Madoobe loo siiyay in AMISOM ay raalli ka yihiin in maamulkiisu uu maareeyo doorashada.

War saxaafadeed isla shalay oo Talaado ahayd kasoo baxay wasaaradda amniga ee Jubbaland ayaa lagu sheegay sida loo xaqiijinayo amniga doorashada.

Qormada war saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa lagu yidhi:

"Wasiirka wasaaradda amniga, markuu arkay mas'uuliyadda wasaaradda Amniga dowlad-Goboleedka Jubbaland, Markuu arkay in ciidamada Jubbaland ay leeyihiin awood iyo tayo ay ku sugaan amniga dowlad goboleedka Jubbaland, Markuu la tashaday guddiga Amniga ee dowlad-Goboleedka Jubbaland, markuu tixgaliyay baahida loo qabo sugidda iyo adkeynta amniga, xilliga doorashooyinka, wuxuu magacaabay Guddi hoosaad ka kooban saraakiil iyo khubaro dhanka amniga ah, kuwaasoo mas'uul ka ahaan doona:-

  • Habsami u socodka iyo xaqiijinta shaqada ciidanka booliska ee sugaya amniga doorashooyinka.
  • Hubinta in ciidanka booliska doorashooyinka ay waajibaadkooda u gutaan si hufnaan, caddaalad iyo dhexdhexaadnimo leh, xilliga doorashooyinka.
  • Isku xirka hay'adaha amniga DGJ, xilliga doorashooyinka.

Cadaadiska lagu hayo Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmaya cadaadis xoog leh oo uga imaanaya dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo musharraxiinta kale ee u taagan xilka madaxweynenimada Jubbaland.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa dooneysa in doorashada Jubbaland ay maareyso wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka

Mas'uuliyiinta dowladda dhexe ayaa doonaya inay Jubbaland ka dhacdo doorasho xaq iyo xalaal ah, si taas loo hirgaliyana ay howshaas si toos ah ugu lug yeelato wasaaradda arrimaha gufdaha ee federaalka.

Balse maamulka Axmed Madoobe ayaa ku gacan seyrtay qodobkaas, waxaana ay sheegeen in howsha doorashada ay u madax bannaan yihiin ayna guddigooda gaarka ah u xil saareen.

Waxay sheegeen inay oggol yihiin oo kaliya in dowladda federaalka ay kor joog ka ahaato howsha doorashada.

Cadaadisyada kale ee uu Axmed Madoobe kala kulmayo dhinaca dowladda dhexe waxaa ka mid ah in ciidanka milatariga federaalka Soomaaliya ay si toos ah uga howl galaan deegaannada Jubbaland, taasoo horay la isugu fahmi waayay.

Dhanka kalena, musharaxinta qaarkood ayaa dalbaday in la ixtiraamo kaalinta ay odayaasha dhaqanka ku leeyihiin soo xulista xildhibaannada.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka mid ah musharxiinta madaxweynenimo ee Jubbaland ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka aan looga baahneyn inay xildhibaannada soo xulaan, taas baddalkeeda howshaas ay u daayaan odayaasha.

Mar uu arrintan ka hadlayay ayuu Xiddig yidhi: "Waxaa baryahaanba uu muran badan ka taagnaa in la yidhi odayaashu saddex qof bay keenayaan, kadibna guddiga doorashada ayaa mid kala baxaya. Guddiga doorashada waan ixtiraameynaa laakiin doorka xulitaanka waxaa iska leh odayaasha, isla odayaasha waxaa laga rabaa inay beeshii labo xubnood leh kasoo gudbiyaan labo xubnood oo kaliya, wax saddex la yiraahdo oo la aqbalayo ama la keenayana inaanay jirin".

Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa hadda kusii dhawaanaya gabagabada xilkiisa 4-ta sano ku eg oo soo billowday bishii Agoosto ee sanadkii 2015-kii.

Mowduucyada la xiriira