Waa kuma jihaddoonka 17 sano xirnaa ee wali Maraykanku ka baqayo?

John Walker Lindh Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption John Walker Lindh

John Walker Lindh oo loogu yeeri jiray "American Taliban" ayaa laga sii daayay xabsi, arrintaas oo wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo uu ku tilmaamay "mid aan la aqbali karin."

Lindh ayaa xabsiga ku qaatay 17 sano oo ka mid ah 20kii sano ee lagu xukumay, ka dib markii la qabtay sannadkii 2001 isaga oo ka dagaalamayay Afghanistan.

Siidayntan la soo hormariyay ayaa dhaleecayn xoog badan la kulantay, iyadoo dad badan ay rumaysan yihiin in uu wali qabo afkaartiisii.

Trump ayaa siidaynta ninkan ka yiri "gabi ahaanba arrintaas kama helin", waxaan wacad ku maray "in dawladdu ay si dhaw ula socon doonto".

Balse wuxuu intaas ku daray "in marka dhanka sharciga laga fiiriyo, aysan u bannaanayn wax ay arrintaas ka qaban karaan."

Wasiirka arrimaha dibadda Pompeo oo Khamiistii la hadlay Fox News ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ahayd "mid laga walwalo oo khalad ah".

Lindh "wali wuxuu halis ku yahay Maraykanka "walina waxaa ka go'an jihaadkii uu ku jiray", ayuu yiri.

Bill Cummings oo ah qareenka Lindh ayaa warbaahinta CNN u sheegay in macmiilkiisu uu hadda ka soo baxayo xabsigii uu ku jiray ee Indiana uuna tagi doono Virginia isaga oo halkaas ugu noolaan doona sida uu u tilmaamo masuulka kiiskiisa lagu wareejiyo.

Waa kuma John Walker Lindh?

Wuxuu ku dhashay Washington DC sannadkii 1981, waxaana lagu samiyay John Lennon, waxaana lagu barbaariyay mad-habta kaatoligga.

Iskuulka ayuu isaga tagay wuxuuna diinta Islaamka qaatay isagoo 16 jir ah, wuxuu u wareegay Yemen sannad ka dib si uu u soo barto luuqadda Carabiga.

Sannadkii 2000 wuxuu waxbarasho u aaday Pakistan, ka dibna bishii May ee sannadkii 2001 ayuu u tallaabay Afghanistan si uu ugu biiro ururka Taliban.

Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay wax yar ka dib markii ay dalkaas galeen ka dib weerarradii argagixisada ee 11 Sabtembar.

"Haddaan ogaan lahaa waxa aan hadda ka ogahay Taliban, marnaba kuma biireen," ayuu yiri Lindh markii uu xukunkiisu socday sannadkii 2002, isga oo ku eedaysnaa in uu gacan siiyay malayshiyo jihaaddoon ah.

Mowduucyada la xiriira